Waa wax la bartay ama lagu bartay Madaxweyneyaasha ka tirsanaa ama ka tirsan ciidamada milateriga ah ee soo maray dunidu inaanay xilka bannaynin ilaa xoog iyo kacdoon shacbi lagaga qaado ama ku dhinta iyagoo ku dagaalamaya xukunka dalalkaasi.
Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga
Sidoo kalena waa arrin badi soo martay dalalka ciidamadaasi ka taliyaan inaanay qaban doorashooyin xor ah oo xalaal ah hadii ay qabtaan wax u eg doorashooyinkaasina ay ku shubtaan codadka dadweynaha u codeeyey iyo kuwa aan codeynba si ay xukunka dalalkaasi u sii haystaan.
Hadii aan soo qaadanno qaar ka mid ah dalalka dunida ee ay soo xukumayeen Madaxweyneyaal ka tisanaa ciidamada milateriga madaxtinnimada ku waayey kacdoon shacbi iyo dagaal sokeeye oo ka dhashay doorashooyin loo diiday iyo diktaytarnimo ayaa waxa ka mid ahaa dalka jaarkeenna ah ee Soomaaliya, dalkaas oo Jeneraal Siyaad Barre iyo ciidankiisi milateriga ahaa gacan bir ah ku xukumayeen dalkii la odhan jiray Soomaaliya Muddo 21 sanadood ah ilaa kacdoon shacbi iyo dagaallo lagaga qaaday xukunka, waxa ku xigay Konayl Mingiste oo dalka jaarka ah ee Itoobiya xukunkiisii ku waayey kacdoon shacbi iyo jabhadayn taas oo sababtay inuu Konayl Mingiste naftiisa ula cararo dalka Zimbabwe oo uu magan u yahay. Waxa ka dambeeyey kornayl Qaddafi oo la ogaa inuu ku dhintay bulaacad uu dhufays ka dhigtay markii lagu kacay. Saddaam Xuseen ayaa la ogaa sidii loo galay. Dalka Mali ayaa la ogaa kornaylkii qabsaday, Saajinkii Laybeeriya ee Samuel Doe, Generaal Binoojetkii dalka Chile ama (Jili) dhammaan Madaxweyneyaashaasi ayaa waxa haatan u dambeeya Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Al Bashiir iyo sida xaalku ku yahay maanta. Gen.Menengaagwa-ha dalka Zimbabwe, dalka Ruushka iyo basaaskii KGB Boris Yeltsin oo aan weli fari ka qodnayn riditaankiisu waxay dhammaan muujinayaan sida dal kasta oo dunida ka tirsan oo ay xukumaan rag ka soo jeeda ciidamada milaterigu u waajahayaan kacdoonno xukunka lagaga tuuro sababtoo ah waxay dhammaantood diideen inay shacbigooda u oggolaadaan doorashooyin xor ah oo ay ku soo dooran karaan cidda ay la doonayaan inay dalalkooda xukumaan.
Haddaan dib ugu soo laabanno dalkeena Somaliland, waxa Madaxweyne ka ah Muuse Biixi Cabdi oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ciidamadii Cirka Soomaaliya, kana qayb qaatay dagaaladii lagu xoreeyey Somaliland, sannad iyo dheeraad uu xukunka dalka ku qabsaday doorashooyin xor ah oo shacbigu ku siiyeen codkoodii ayaa waxa sugaya inuu dalkan ka qaban qaabiyo doorashooyin kale oo dimuqraadi ah, kuwaas oo kala ah doorashooyinka golaha Baarlamaanka iyo kuwa deegaanka kuwaas oo la filayey in xukuumadiisu meelmarsio qabanqaaabadooda iyo shuruucdoodaba. Waxa muran ka dhex taaganyahay xisbiyada iyo komishanka Doorashooyinka, waxana khilaaf kale haystaa xisbiyada qaranka dhexdooda, mana muuqdaan ifafaale muujinaya inay dalkan doorashooyinka golayaashaasi ka dhici karaan sannadkan 2019 sida uu sheegay ururka SONSAF ee aan dawliga ahayn iyo madaxda xisbiyada siyaasadda qaarkood. In kastoo xukuumadda iyo xisbiyada siyaasadda qaar ku adkaysanayaan inay qabanayaan doorashooyin xor ah oo keeni kara golayaal Qaran iyo baarlamaan kale.
Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka
Guud ahaan marka la eego jawiga doorashooyinka Somaliland ku qabsoomi karaan iyo kan aanay ku qabsoomi karinba waxa looga fadhiyaa in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo komishanka doorashooyinkuba dalka ka qabtaan doorashooyin madax bannaan sida ugu dhakhsaha badan, Somalilland’na ka badbaadiyaan inay la mid noqoto dalalka ay milaterigu xukumaan ee aan doorashooyinku ka dhicin si aanay u dhicin arrimo dalkan iyo dadkanba u horseedi kara xasilooni darro, maadaama Somaliland leedahay cadow fara badanna aanay dalalka saaxiibka ah iyo qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ku sii kala fogaanin doorasho la’aan sannadkan dhacda.
Faallo – Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Saxafi ee Gobolada Galbeedka Somaliland