WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 12, 2016 (Saxafi) – Wakiilka Jaamacadda Carabta u joogga Soomaaliya iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay booqasho ku yimi Somaliland.

Danjire Sayid Al-Sabban oo saxaafadda la hadlay ka dib kullan uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland ka dib, ayaa waxaa uu ku dooday in Carabtu u soo jeeddo guud ahaan Soomaalida, Isla markaana ay doonayaan inay wax la qabtaan. Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi. “Waxaan marka u horeysa wasiirka Arrimaha Dibadda uga mahadnaqayaa soo dhawaynta iyo marti-gelinta weftiga Jaamacadda Carabta iyo kulamadii xiisaha badnaa ee aanu la yeelanaya maanta masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Somaliland. Run ahaantii wuxuu weftigayagu shalay (doraad) subaxnimadii soo gaadhay magaalada Muqdisho, kaas oo ka koobnaa waaxaha kala duwan ee Ururka Jaamacadda Carabta ee ku tacaluqa gacan-siinta iyo fulinta go’aamadda jaamacadda Carabta, gaar ahaan qaraarkii ka soo baxay shirweynihii ugu dambeeyay ee ururka Jaamacadda Carabtu ku yeeshay magaalada Sharmi Sheekh ee ku saabsanaa arrimaha Somalia. Runtii waxaa jira muhiimadda ay dalalka Carabtu siinayaan arrimaha Somalia, nabadeyntiisa iyo degaanshiisa oo la soo celiyo. ” Waa uu sii waday, waxaana uu intaas ku daray oo uu yidhi. “Waxaa jira dedaalo hadda socda oo heer dawladaha caalamka iyo mid heer gobol ah kuwaas oo ay Jaamacadda Carabtuna qayb ka tahay. Jaamacadda Carabtuna marnaba kamay gaabin doorkeeda Somalia, waxaanay ka qaadatay door dhammaystiran iyadoo xafiiskeedu Muqdisho ka furnaa sannado badan kadib markii ay soo noqotay deganaanshihii Muqdisho, waxaanay Jaamacadda Carabtu ka mid ahayd hay’adihii u horeeyay ee Xafiis ka furta Muqdisho, hadaanay ahaynba tii ugu horeysay, waxaana jira kooxo halkaas ka hawl-gala.
Dhinaca kale, maanaan ahayn kuwo ka durugsan ama fog arrimaha Somaliland, waxaanu Somaliland nimid dhawr sannadood ka hor, booqashooyinkayaguna waa ku soo noqnoqdeen, iyadoo ay jiraan xidhiidh joogto ah oo naga dhexeeya masuuliyiinta sar-sare ee xukuumadda Somaliland. Jaamacadda Carabtu waxay danaynaysaa dalka Somalia iyo qaybihiisa kala duwan ee uu ka kooban yahay, wixii dhib ku ah Somaliyana, waa mid Jaamacadda Carabtana dhibaya, iyadoo Amniga Qoomiyadda Carbeed ee ay ka midka yihiin, kuwa siyaasiga ah, dhaqaale iyo bina aadamnimaba uu yahay ka bilaabmaya Somalia.
Waxa jirta dan keentay in aanu wada-hadalo la sameynayo masuuliyiinta kala duwan ee Soomaalida ah, iyadoo aanu hore wada-hadalo ula soo samaynay masuuliyiinta Muqdisho, haddana aanu wada-hadalo la leenayay masuuliyiinta Somaliland. Sidaad ogtihiin waxaa jira wada-hadalo si fiican u socday tan iyo sannadkii 2012, kaas oo u dhexeeyay qaybaha kala duwan ee Soomaalida oo ah kuwo siyaasi ah oo aanu ixtiraamayno.
Sidii uu wasiirkuba sheegay wakhtigani waa xiligii dib u dhiska ee ficilka ahaa, kaas oo gaadhsiisan xataa in dhowaan la qabto Shirweyne ay ka soo qayb-galaan qaadhaanbixiyeyaasha dalalka Jaamacadda Carabtu oo lagaga qayb-qaadanayo dib-u-dhiska Somalia kaas oo ka mid ahaa qaraaradii shirweynihii Sharma Sheekh, iyo go’aamadii ay golaha wasiirada ururka Jaamacadda Carabtu soo saaray. Maadaama oo ay tahay wakhtigii dib-u-dhiska, waxaanu maanta booqanay oo aanu u kuurgalnay meelaha baahiyuhu ka jiraan, annagoo qaadanay baahiyaha dhabta ah ee u baahan in wax laga qabto oo aanu horgeyn doono Masuuliyiinta Sar-sare ee Jaamacadda Carabta, iyadoo aanu gudbin doono sida lagama maarmaan u tahay in caawimada dib-u-dhiska Carbeed u soo gaadhi lahaa Somaliland iyo meelkasta oo Somalia ka mid ah sida ugu dhakhasaha badan. ”
Wakiilkan oo u muuqday siyaasiyan nin is dhowraya ayaa Mar wax laga weydiiyay dhinaca siyaasadda ee u dhexeeya Somaliland iyo Somalia iyo mawqifka Jaamacadda Carabta, waxaa uu ku jawaabay: “Jaamacadda Carabtu waxay ka warhaysaa oo ay ogtahay wada-hadalo Muqdisho ku dhexmaray dawladda dhexe iyo maamulada kale ee gobolada Somalia, sidoo kale waxay ogtahay wada-hadalo dhexmaray xukuumadda Somaliland iyo Xukuumadda Somalia, inkastoo aanay Jaamacadda Carabtu qayb ka ahayn, haddana waxay Jaamacadda Carabtu mar walba taageeraysaa wax kasta oo horseed u noqonaya inay Somalia hesho nabadgelyo, ammaan iyo deganaansho. Waxaanu ku celcelinaynaa inaanu taageerayno wada-hadal kasta oo siyaasi ah oo ay xukuumadda Somalia la yeelanayso qaybaheeda kale ee ay ka kooban tahay. Waxa aanu doonaynaa waa Soomaaliya oo cagaheeda isku taagta oo degan, waxaanu doonaynaa bogcaddan oo ka mid ah dhulka Carbeed oo nabadi ka hirgasho.
Hore ayaan u sheegay Jaamacadda Carabtu waxay u fidinaysaa wada-hadalada u dhexeeya xukuumadda Muqdisho iyo Xukuumadda Somaliland taageero siyaasi iyo nooc kastaba oo lagu gaadho heshiis isla markaana uu wada-hadalkaasi u guulaysan lahaa. ”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.