WorldRemitAds
Ankara, Turkey February 12, 2016 (Saxafi) – Safaarada Soomaaliya ku leedahay Turkiga ayaa la wariyay in ay fiisaha dal ku galka u dalabtay ninkii siday Laptop-ka ku qarxay diyaaradii Daallo.

Kiiska dhacdadii qabsatay diyaaraddii Daallo Airlines ee Muqdisho ka duushay ayaa weli si weyn isu soo taraya, waxaana jira tibaaxo muujinaya shirqool dhacay. Iyadoo hore ay u soo baxeen in qaar ka mid ah shaqaalaha madaarka Muqdisho ka qaybgaleen gudbinta Labtopka qarxay, ayaa haddana waxaa ku soo kordhay warkan in qofkii ka dhacay diyaaradda isla markaana meydkiisa laga helay degaano ka tirsan Demada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe oo la aaminsanyahay inuu ahaa qofka loo dhiibay Koonbuyutarka uu ka mid ahaa shaqaalaha dawladda Soomaaliya.
Waxaa iminka jira sidoo kalle warar sheegaya in ninkaasi uu doonayay inuu raaco diyaaradda Turkish Airlines oo iyadu ku sugneyd dalka Jabuuti, hase yeeshee qorshihiisii fashilmay ka dib markii ay ka baaqatay diyaaradu, isku daygii labaadna uu u naftiisii galaaftay xilli uu diyaarinayay qaraxaasi.
Ninkan oo lagu magacaabo Cabdillaahi Cabdi Salaan Boodhle ayaa muddo saddex bilood ka hor ahayd oo ku beegan bishii ugu dambeysay ee sanadkii 2015-ka uu Safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo ku taala magaalada Ankara ay u dalabtay fiisaha dalku galka Turkiga.
Cadaynta Warqadda ay Safaaradu ugu dalabtay Fiisaha oo copy kamid ah ay heleen warbaahinta qaar ayaa lagu sheegay in ninka Cabdillaahi Cabdi Salaan Boodhle uu ka tirsan yahay Wasaaradda arrimaha dibadda, iyadoo safiirka Soomaaliya ee Turkiga Cabdullaahi Maxamed Cali uu isagu ahaa masuulkii Fiisaha ninkaas dalbay, isagoo ka dalbaday Safaarada Turkiga ee Soomaaliya oo fadhigeedu yahay Muqdisho, taas oo uu ka codsaday in Fiisaha la siiyo ninkaas oo wasaarada Khaarajiga Soomaaliya ka tirsan.
Sidoo kale waxaa codsiga Fiisaha uu Safiirka Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud u fadhiya Ankara ku sheegay in ninkaasi uu Sito Baasaboor Diplomasi ah.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.