PropellerAds

Hargeysa, Somaliland, July 09, 2018 (Saxafi) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa ayaa xayiraadii ka qaaday Wargeyska Haatuf oo muddo ka badan afar sannadood xayiraadi saarnayd, kadib markii xukuumadda Madaxweyne Axmed Siillaanyo albaabadda u laabtay.

War murtiyeed ay masuuliyiinta wargeyskaasi ka soo saareen arrintan waxaa lagu yidhi sidan: “Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi Jeex amar ay dhawaan soo saartay waxa ay xayiraadii saarnayd kaga qaaday, ruqsadii soo bixitaankana usoo celisay Wargeyska Haatuf ee luuqada Afsoomaaliga ku soo bixi jiray, iyadoo uu qoraalka amarka maxkamaddu uu gacantayada soo galay maanta oo Axad ah (8 July 2018).

Sida la ogsoon yahay xukuumadda Somaliland ayaa 7/4/2014 albaabada u laabtay xaruntii shirkadda Haatuf Media Network ee soo saari jirtay saddexda Wargeys ee Haatuf, The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi, iyadoo xoog ciidan kula wareegtay xafiisyadii, agabkii iyo qalabkii xaruntaasi yaalayba.

Wargeyska Haatuf Oo Xayiraadii Saarayd Sannadaha Badan Laga Qaaday
Yuusuf Cabdi Gaboobe, Guddoomiyaha Haatuf Media Network

Intaas ka dib ayaa afar dhibane oo saddex ka mid ahi ka tirsan yihiin masuuliyiinta sarsare ee xukuumadda Somaliland waxay dacwad ciqaab ah ku soo oogeen wargeyska Haatuf, waxaanay 25/6/2014 Maxkamadda gobolka Hargeisa oo uu xiligaa guddoomiye ka ahaa Faysal Cabdillaahi Ismaaciil (Faysal-dhago-dhago), garsoore-na ka ahaa Asad Nuur xukun xadhig dhawr sanadood ah ku riday Mulkiilihii Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatirihiisii Axmed Cali Cige, isla markaana waxa uu xukunkaasi baabiiyey ruqsadii uu ku soo bixi jiray Wargeyska Haatuf oo qudha, iyadoo sheegtay ‘inuu caadaystay af-lagaadada ummadda Somaliland, khaas ahaan masuuliyiinta qaranka’.

Wargeyska Haatuf waxa lagu haystay maqaalo uu ku soo bandhigay musuqmaasuq ay ku kaceen masuuliyiin sarsare oo ka tirsanaa xukuumadii Somaliland ee xiligaas jirtay iyo waliba awood maroorsi ay ku kaceen shaqsiyaad aan xil rasmi ah dawladdaasi ka haynin.

Haddaba inkastoo xukunkaasi ahaa mid lanagu dulmiyey oo awood dawladeed la nagu muquuniyey hadana waxa intaas noo dheeraa xukuumadda oo naga joojisay soo-saaristii labadii wargeys  ee kale ee kala ahaa The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi, iyadoo aanay haba-yaraatee jirin cid kasoo dacwootey iyo wax xukun ah oo ku dhacay labadaas wargeys, taas oo aanu horaantii 2016-kii maxkamadda u gudbinay dacwad aanu ku codsanayno in dawladdu noo magdhawdo khasaarihii meherad ahaan (business) iyo hanti ahaanba naga soo gaadhay, soo bixid la’aanta labadaas wargeys ee Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi laga soo bilaabo 7/4/2014.

Ugu danbayn waxaanu halkan mahadnaq balaadhan uga soo jeedinaynaa Maxkamadda rafcaanka gobolka Maroodi Jeex ee xayiraadii ka qaaday wargeyska Haatuf iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland ee taageersan xoriyatul-qawlka, gaar ahaan xoriyada saxaafadda.”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.