WorldRemitAds

Asmara, Eritrea, July 09, 2018 (Saxafi) – Madaxda Ethiopia iyo Eritrea ayaa labaatan sannadood oo uu dagaal u dhexeeyay kadib shalay kulan taariikhi ah ku yeeshay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, si ay u soo gaba gabeeyaan mid ka mid ah colaadihii ugu qadhaadhaa ee soo mara Afrika.

Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka Asmara Raysal-wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed, kadibna u sii kaxeeyay qasriga Madaxtooyadda dalkaas.

SomlegalAds
Madaxda Ethiopia Iyo Eritrea Oo Labaatan Sannadood Oo Dagaal Ah Kadib Ku Kulmay Asmara
Labada hoggaamiye ee Eritrea Isaias Afwerki iyo Ethiopia Abiy Ahmed oo gaadada isku qaatay

Kulanka hoggaamiyaasha labadani waddan ku dhexmaray magaalada Asmara, ayaa ah kii ugu horreeyay oo si fool-ka-fool ah ay isu arkaan madax ka socota Ethiopia iyo Eretria tan iyo sannadki 2000, markaas oo ay Afwerki iyo Raysal-wasaarihi hore ee Ethiopia Meles Zenawi saxiixeen heshiiskii Algeria ee soo gaba gabeynayay dagaalka labada wadan.

Raysal-wasaare Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii loo magacaabay xilka waxa uu Itoobiya ka waday dadaalo uu wax uga bedelayo siyaasadda gudaha iyo dibadda ee dalkaasi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.