WorldRemitAds

Hargaysa, Somaliland, August 01, 2016, (Saxafi) –   Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warar laga baahiyay oo sheegay in Wasiirka wasaaraddaas Cali Maxamed Warancadde hub xasaystay.

Afhayeenka Wasaarada  Arrimaha Gudaha  Jamaal  Cabdi Muxumed  oo  warsaxaafadeed uu soo  saaray  kaga   hadlay  Wararkaasi  ay  warbaahintu  faafisay ayaa ku dooday  inaan  haba yaraatee wax  ka jiraa  aanay  jirin. Waxaana  hadaladiisii  kamid  ahaa:-“Waxaan halkan  ku  beeninayaa  warar  ilaa  xalayba  warbaahinta qaarkeed  qorayeen kuwaasoo ah   boro bogaando  iyo  been  abuur  aanay waxba  ka jirin oo  sheegaya in wasiir Cali Warancade  Hub ka qaatay  xerada Ciidamada  Bada Somaliland. Anoo Ku  Hadlaya Magacayga Iyo Afka Wasaarada  Waxaan Halkan Bulshada Uga Cadaynayaa  in Wasiirka  arrimaha gudaha Somaliland  Mudane Cali Maxamed Warancade  uu yahay masuul  qaran  jecelna  dalkiisa iyo  dadkiisa  oo  bilaa godoba ciidamada  kala duwan ee  dalkana  waxaan  hubaa inuu  wax uu  taro  mooyee  aanuu hunguraynayn inuu  damac ka gallo.” Ayuu yidhi waxaana uu intaas ku daray fariin hanjabaad ah oo u uu u dhigay sidan. “Waxaan  halkan  uga  digayaa warbahin   badan  oo caadaysatay  wararka  been  abuuka iyo borobogaandada ah  ee sida ka baxsan  xeerarka  warbaahinta  iyo  shuruucda  caalamida ah  u  adeegsada  mihnada  warbaahinta isla  markaana  aan wasaradu kaga  hadhi  doonin wararka been  abuurka iyo  magac dilka ah  ee  ay   baahiyaan”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.