WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 14, 2016 (Saxafi) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in labadda xisbi ee WADANI iyo KULMIYE ay dhoolatusyadda ku samaynayaan hantidii umadda, isla markaana mid waliba ku faanayo gaadiidka iyo galbiska daba socda.

Sidaasna waxa uu ka sheegay ka dib markii uu shalay dalka dib ugu soo laabtay, isagoo muddo dalka ka maqnaa, waxaanu sheegay in mudaddii uu maqnaa dalalkii uu soo maray la kulmay madax badan oo ah dalalkaasi uu marayey.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada madaarka Cigaal ayaa waxa uu ka waramay ujeeddada uu daraanaa socdalkii uu ku tagay dalka dibadiisa gaar ahaan waqooyiga Ameerika Iyo Yurub, Waxaana uu gudoomiyuhu sheegay inuu kulamo la yeeshay madaxda sar sare ee dalka maraykanka uuna kala hadlay halka ay marayaan arimaha diiwaangalinta ka socda dalka Somaliland, waxaana uu yidhi. “Waxaan safarkayga ku tagay dalka Maraykanka iyo Yurub, waxaana soo maray wasaarada arrimaha dibada dalka Filand anigoo kala hadlay halka ay inoo marayso diiwaangalinteenii, waxaana sidoo kale kulamo la qaatay madaxda sare ee dalka maraykanka, waxaanan kala hadlay xaalada guud ee dalkeena iyo halka ay wax inoo marayaan”.
Sidoo kalena waxa uu gudoomiyuhu ku amaanay gudida komishanka doorashooyinka qaabka ay u wadaan diiwaangalinta iyo waliba sida fiican ee ay uga soo dhamaatay gobolka togdheer, waxaana uu yidhi “Guddida Doorashooyinka waan hambalyaynayaa hashu si fiican ayay u soctaa gobalka Togdheer way ka dhacday Awdalna, waxaan rajaynayaa in si fiican ay uga dhacdo” Gudoomiye faysal
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Dhaliilo xoogan usoo jeediyay labada xisbi qaran ee WADANI iyo KULMIYE, isagoona ku tilmaamay inay gobolka Awdal ka bilaabeen olole cad waxaana kamid ahaa hadaladiisi sidatan “Waddani iyo Kulmiye Hantidii Umadda ayay ku ololaynayaan waana waa laba Xisbi oo xukuumadda ka wada tirsan weeye wayna ku ololaynayaan anaa kaa gawaadhi badan iyo anaa kaa gawaadhi badan, waxaana la moodaa in labadoodaba imika ay gudoomiyinimada xisbigu ugu horayso, Waxaanan rajaynayaa inay gobolka Awdal na si fiican ugu soo dhamaato diiwaangalintu gudiduna indhaha ku hayaan labadan xisbi ee ololaha cad ka wada gobolka”
Geesta kale Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa cambaareeyay Xadhigii Gancacsade Cumar Caydiid isagoo dhaliilay habkii uu Gudoomiye Cirro u waajahay Xaaladda Tiyaatarka uguna baaqay Gudoomiye Cirro in uu Siyaasadda ka daayo Cunfiga.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay Arrinta Gerxajisnimada oo muddooyinkan danbe uu sheegay in aad loo hadal hayo waxaanu tilmaamay in uu muddo 15 Sanno uu ahaa Gudoomiye Xisbi isla markaana aanay jirin wax Gerxajjis ah
“ Waxaa Baryahan aad u badatay Kalmadda Gerxajis La yidhaa, Anigu waxaan ka soo jeeda Beeshaas, 15 Sanno ayaan ahaa Gudoomiye Xisbi Kalmaddaasi may jirin waxaan garan la’yahay kalmaddaasi ma Waddani ayay la dhalatay, Markii aanu Waddani jirin miyaanu Gerxajjis jirin, waxaan leeyahay ha la kala saaro Waddani iyo Gerxajjis, Xisbi Siyaasiya weeye, Xisbi Qaran weeye, Wax kasta in la Gerxajiseeyo, Wax kasta in la qabiileeyo looma baahnaa ” Ayuu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.
Si kasteba ha ahaate gudoomiyaha xisbiga ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa la filayaa inuu u anba baxo gobolka Awdal madaama ay diiwaangalintii codbixiyayaashu ka socoto gobolkaa.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.