Hargeysa, Somaliland December 7, 2015 (Saxafi) – Wefti ka socda Somaliland ayaa shalay u anbabaxay dalka Ethiopia.
Weftigan shalay ka baxay Hargeysa oo ka koobnaa wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka Jaamac Maxamed Bootaan ayaa waxaa ay shalay gelinkii dambe ka ambabaxeen madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa, iyagoo wasiirka Arrimaha dibada Sacad Cali Shirena sidda la sheegay uu kaga sii horeeyo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
![Wefti](https://i0.wp.com/saxafimedia.com/wp-content/uploads/2015/12/Weftiga-Somaliland-ee-tegay-Itoobiya-300x103.jpg?resize=300%2C103)