WorldRemitAds
Gabiley, Somaliland, February 12, 2016 (Saxafi) – Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah xildhibaada aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa reer Gabiley ugu bushaareeyey in kalfadhiga dambe ee golaha wakiiladda uu horkeeni doonno gobolnimadda gobolka Gabiley.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa gudoomiyaha golaha wakiilada ka difaacay eeddo hore loogu soo jeediyey inuu lugta hayo sharciyeynta gobolnimada gobolka Gabiley, waxaanu sheegay in marka hore ay tahay in xukuumaddu caddayso xuduudaha degmooyinka iyo gobolka.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa sheegay in mooshinkaasi uu yahay mid lagu meel marinaayo gobalnimada gobalka Gabilay ka dib markii ay xukuumadu keeni weyday.
“Dacaayad baa reer kulmiye ay faafiyeen taas oo ay ka fidiyeen golaha wakiilada gaar ahaana gudoomiyaha golaha wakiilada, waxaana la idinku yidhi gobolnimadii Gabilay waxaa ku fadhiya oo hor taagan golaha wakiilada gaar ahaana gudoomiyaha golahaas markaas warkaas baan jecelahay in aan inyar idinka sheego. Xukuumadu shaqo ayey leedahay golahuna shaqo ayuu leeyahay qiimenta gobalada iyo degmooyinkii la magacaabey, waxaa xaq u leh xukuumada, anigu iminka golaha 19 sanno ayaan ku jiray wax la keenay ma jirto marka laga reebo tii ina cigaal keenay ee aheyd in aad (A) ahaataan, waxaana diyaar aanu u nahay qoladayada mucaaridku madaama ay xukuumadu ka daahdey in aanu mooshin ku soo dhigno” ayuu yidhi xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
Xildhibaanku sidaas waxa uu ka sheegay mar guddoomiyaha xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Cirro iyo wefti uu hogaaminayey safar shaqo ku marayeen gobolka Gabiley.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.