“Wuxuu [Maxamed Biixi] ka mid ahaa shakhsiyaadkii naftooda u huray Somaliland xilligii halganka iyo intii ka dambaysayba” Sacad Cali Shire
Hargeysa, Somaliland, November 8, 2015 (Saxafi) – Maxamed Biixi Yoonis Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa shalay xilkii wasaaraddaas si rasmi ah ugu wareejiyey Wasiirka Cusub ee dhawaan xilkaas loo magacaabay Sacad Cali Shire.
Munaasibad lagu qabtay Hoolka Green Plaza ee Magaalada Hargeysa ayay labada masuul xilka kula kala wareegeen, iyadoo ay ka soo qayb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin Xukuumadda hore xilal uga hayn jirey, tiro ka mid ah Safiirrada Somaliland ku leedahay Waddamada Dibadda, Xubno ka socday Safaaraddaha Caalamku ku leeyihiin Somaliland, Wasiirrada Xilalka la kala wareegayey iyo Martisharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu sagootiyey Wasiirkii hore, islamarkaana lagu soo dhaweynayey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Xilkeeda la wareegay.
Xubno ay ka mid ahaayeen Hoggaanka Xafiiska Qurbejoogga, hogaanka waaxda La Dagaallanka Budhcad badeedda iyo siyaasiyiin kale oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn wasiirkii hore ugu ammaanay doorkii waxqabad ee uu kaga suntanaa wasaaradda, waxaana ay ka markhaati kaceen inuu ahaa Hogaamiye horumar ballaadhan gaaadhsiiyey Wasaaradda uu muddada kooban gacanta ku soo hayey.
Ugu Horrayn Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Axmed Aadan Keyse oo halkaasi ka hadlay ,ayaa ku dheeraaday horumarkii ay wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku soo tallaabsatay muddadii uu wasiir Maxamed Biixi hoggaaminayey, waxana uu tilmaamay inuu yahay shakhsi wax badan u qabtay wasaaradda iyo Qaranka Somalilandba.
“Wasiir Maxamed Biixi muddo aan badnayn buu hayey xilka uu maanta wareejinayo, waxana uu ka mid ahaa Wasiirrada shaqada ugu badan ka geystay wasaaradda, isagoo qaranka ku soo xidhay Dalal badan oo shisheeye, isla markaana meelo badan oo caalamka ka mid ah kaga hadlay qaddiyada Somaliland. Waxana isagoo kaashanaya xidhiiidhkii wanaagsanaa ee Caalamka la lahaa muddadii uu Qaramada midoobay ka soo shaqaynayey uu Somaliland ka dhigay mid hadalkeedu meel sare gaadho oo goobo aanay markii hore gaadhi jirin oo lagaga hadli jirin lagaga hadlo. Wasiirka cusubna ma aha mid maanta cusub oo la barayo, balse London iyo Hargeysaba si fiican baanu iskugu naqaanaa oo muddo badan baanu soo wada shaqaynay, waana Nin karti badan oo aan hubo inuu wax badan wasaaradda ka qaban doono,” ayuu yidhi AxmedKeyse.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna halkaas hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey, ayaa ugu horrayn hadalkiisa ku ibo furay doorkii muuqday ee uu ka soo qaatay Wadahadalladii Hakadka galay ee Somaliland iyo Somalia u dhexeeyey, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa oo uu yidhi: “Intii aan wasaaradda Joogay haddaan ku horreeyo dhinaca wadahadalladii aynu Somalia kula jirney, waxanu galnay wadahadallo muddo socday balse aan bislaanin, waxana aanu markii noogu dambaysay goosanay oo talo ku gaadhnay in wadahadalku aanu ahayn mid Somaliland dani ugu jirto, isla markaana la joojiyo ilaa wadahadalku noqdo mid Caalamku ka soo qaybgalo oo dhexdhexaadin rasmi ah laga gelin, Maantana dardaarankaygu waa Inay wadahadalladu socdaan aad baanu wakhti u gelinay dalal badanna waanu kala hadalnay, maanta dalal badan baa jira oo diyaar u ah inay ka soo qaybgalaan, Laakiin arrinta ictiraaf raadintu waa halbawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda mar walba.”
Wasiirka hore ee Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu muddadii uu xilka hayey kulamo badan la yeeshay Madaxda Caalamka si weyn looga qaddariyo oo aanay taariikhda hore u dhicin inay Wasiirrada dhiggiisa ahi gaadhaan, waxana uu yidhi, “Waxaan isleeyahay waxaad tahay wasiirkii ugu horreeyey ee la kulma madaxweyneyaashii ugu tirada badnaa ee Wasiir dhiggayga ahi la kulmo, iyadoo aan is leeyahay waxa ku caawisay aqoontii hore ee aan Caalamka la lahaa, dhammaanba dadkii aan la kulmayna waxanu ka wada Hadalnay sidii ay Somaliland horumarkeedda uga qayb qaadan lahaayeen, isla markaana aanu ictiraafkeeda uga dhaadhicin lahayn.”
Wasiirka cusub ee haatan la wareegay Xilka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Sacad Cali Shire oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ugu horrayn mahadnaq ballaadhan u jeediyey wasiirka uu xilka kala wareegay, waxana uu yidhi, “Aad iyo aad baan ugu mahad celinayaa wasiirkii iga horreeyey oo aan hubo inuu shaqo badan ka soo qabtay Wasaaradda, shaqada uu qabtayna kuma koobna intii uu xilka hayey oo qudha, balse waxa uu ka mid yahay inuu ka mid ahaa shakhsiyaadkii naftooda u huray Somaliland xilligii halganka iyo intii ka dambaysayba.”
Wasiir Sacad ayaa farriin dhinaca wakhtiga shaqada la xidhiidha u diray Shaqaalaha wasaaradda uu hoggaamin doono, waxana uu tilmaamay baaxadda Wasaarada darteed inay suurtogal tahay in wakhti ka badan midka shaqaalaha Dawladdu shaqeeyaan ay sii shaqayn karaan, waxana uu yidhi: “Shaqaalaha wasaaradda waxaan halkan u ballan qaadayaa inaynu noqon doonno qaar wada shaqeeya, is dhegaysta, sharciga raaca, islamarkaana shaqo iyo dedaal badan la yimaadda, shaqada wasaaradda taallaana kuma filna oo kaliya in la shaqeeyo 7:00 ilaa 2:00PM, waxana dhici karta inaynu maalmo badan soo noqono Habeenkii oo gelinka dambe shaqayno, arrintaana inaad diyaar u tihiin baan rajaynayaa.”
Ugu dambayntii waxa xilkii si rasmi ah ula kala wareegay labada wasiir, waxana ay isku maca salaameeyeen kalfurnaan iyo walaaltinimo wadashaqayn weheliso, iyadoo shaqaalaha wasaaradduna halkaas ay shahaado-sharaf ku guddoon siiyeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda, Maxamed Biixi Yoonis.