WorldRemitAds

Gabiley, Somaliland, December 12, 2016 (Saxafi) – Hoggaanka xisbal-xaakimka KULMIYE, ayaa busteyaal iyo agab kale oo loogu talo galay dadka abaaruhu soo baro kiciyeen ee ku sugan deegaannada gobolka Gabiley ku wareejiyey guddida abaaraha ee isla gobolka gabiley.

Masuuliyiin ka mid ah hoggaanka KULMIYE oo qayb ka ahaa wefti ballaadhan oo xisbiga oo socdaal ku tagay Gobolka Awdal, ayaa taakulo ka kooban bustayaal loogu talogalay 520 qoys oo dadka jilicsan ee abaartu soo barokicisay ah ku wareejiyey Guddiga Taakulada Abaaraha ee Gabiley shalay, waxaanna wareejinta agabku ka dhacday deegaanka Kalabaydh.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere oo isagu wareejiyey taakuladaasi, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada deeqda ay wareejiyeen, isaga oo bulshada reer Somalilnad-na baaq u diray, waxaannu yidhi, “Waxaannu halkan guddida taakulaynta abaaraha ee Gobolka Gabiley ugu wareejinaynaa busteyaal ay soo ururiyeen xisbigu oo loogu talogalay in dadka abaaraha kusoo baro-kacay ka huwadaan dhaxanta, dhammaanba shacabka reer Somaliland-na waxaannu ugu baaqaynaa inay gurmad ka galaan taakulaynta dadkaas.”

SomlegalAds

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) oo isaguna wareejinta deeqdaas kelmado kooban ka jeediyey, ayaa xusay inay xisbiga KULMIYE mar walba ka go’an tahay sidii ay dadkooda jilicsan wixii karaankooda ah uga geysan lahaayeen, isla markaana ay muhiimad gaar ah siinayaan caawinta dadka abaaruhu xilligan hayaan.

Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa isna xusay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisuba diyaar u yihiin inay dadkooda baahan gacan siiyaan, waxaannu ballanqaaday inay sii wadi doonaan kaalmada ay siinayaan dadka abaartu soo baro kicisay.

Sheekh Muuse Miigane oo matalayey Guddiga Taakulada Abaaraha Gabiley, ayaa si weyn ugu mahadceliyey xisbiga KULMIYE kaalmada uu gaadhsiiyey iyo naxariista uu u muujiyey shacabkiisa baahan, isagoo xusay in iminka ka hor sidan oo kale xisbigu deeqo kala duwan soo gaadhsiiyeen guddidooda.

Deegaanno badan oo ay ku sugan yihiin dadka ay taabatay abaarta ka jirta gobollada bariga dalka, ayaa waxa uu xisbiga KULMIYE marar badan gaadhsiiyey taakulo kala duwan, waxaanay tani kamid ahayd dadaallada xisbigu kaga qaybgalayo gurmadka abaarta.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.