WorldRemitAds

Muqdisho, Soomaaliya, December 12, 2016 (Saxafi/Telegraph) – Shirkadda sahaminta tamarta ee aad u burburtay Soma Oil ayaa ku guuldaraysatay dhamaystirka heshiis iskaashi oo ay la geli lahayd shirkad Taliyaani ah oo lagu magacaabo ENI,  taas oo doonaysay inay dhaqaale ku bixiso wajiga labaad ee hawlgalka lagu baadhayo dhulka shiidaalku ku jira ee Soomaaliya.

Wargeyska ka soo baxa magaalada London ee dalka UK, ee Telegraph oo shalay warkan ku baahiyay barta internetka uu ku leeyahay, ayaa lagu sheegay in labada shirkadood wada-hadal ay lahayeen oo ku salaysnaa iskaashi-ganacsi oo loo yaqaan FARM IN, islamarkaana wada qaybsan lahaayeen kharashka ku baxaya sahanka lagu samaynayo xeebta wadanka Somalia uu wada hadalkooddii fashilmay, taas oo ay ka dambaysay sababo la xidhiidha shirkada Soma Oil oo ay hadheeyeen eedeymo musuq-maasuq ah iyo baadhitaan xafiiska Serious Fraud Office (SFO) muddooyinkii dambe ku waday oo la xidhiidha eedaymahaas.

Madaxda sar-sare ee shirkada ENI ayaa lagu khasbay gebi ahaan ba inay joojiyaan heshiiskaas sababo la xidhiidha waafaqsanaanta shuruucda oo ka mamnuucaya in ay ganacsi la sameeyaan shirkad baadhitaan ciqaabeed ku socdo, sida ilo wareedyo ku dhow dhow shirkada Soma Oil u xaqijyeen Telegraph. Waxaana talaabadani noqoneysa mid saamayn wayn ku yeelanaysa guud ahaan shirkada Soma Oil oo wakhti xaadirkan xaalad dhaqaale la’aan ahi soo foodsaartay, islamarkaana $700,000 dollar uu akouwnt-keedu ku jireen bishii September, sidoo kale waxa ay ka xanibaysaa in barnaamijkooddii si horumariyaan, iyadoo baadhitaan ku socdo.

SomlegalAds

Maalqabeenka u dhashay dalka Ruushka Alexander Djaparidze oo maalgelinaya shirkada Soma Oil ayaa isaguna lagu eedeynayaa musuq-maasuq, waxana sidoo kale  warbixin sanadkii hore gudiga dabagalka Somalia iyo Eritrea u qaabilsan Qaramada Midoobe eedemihii ay ku eedeynaysay joojisay sanad ka dib.

 “Baadhitaanka xafiiska SFO oo tilmaamaya ujeedadu aanay ahayn baadhitankooda ku salaysan eedemihii hore oo ahaa mid been abuur ah, oo nalaga sameeyey.” Ayuu yidhi Lord Howard Lympne, oo hore uu ahaa hogamiyaha xisbiga Tory ee dalka Ingiriiska.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.