WorldRemitAds

Wuxuu Riiggani Saacadii Soo Saari Doona In Ka Badan 100 Foosto

Hargeysa, Somaliland, December 12, 2016 (Saxafi) – Riigii ay dhawaan xukuumadda Somaliland gaysay deegaanka Coodanle ee gobolka Buuhoodle ee halkaasi ka qodayey ceel biyoodka, ayaa dhamaystiray hawshiisii isla markaana soo saaray biyo ka badan kuwii laga filayey markii hore.

Ceelkan ayaa sida la sheegay saacadii soo saaraya in ka badan 100 foosto oo biyo ah, kaas oo ay ku diirsadeen dadkii iyo xoolihii ku sugnaa deegaanadaasi oo ay ku soo baro-kaceen muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah oo iskaga kala yimid gobolada Sool, Sanaag, Saraar iyo hawdkaba, kuwaas oo imika helay biyo ku filan.

SomlegalAds

coodanle333Sidoo kale dadka deegaankaas degan iyo kuwa kusoo baro-kacay ayaa iyagu arrintaasi uga mahadnaqay Madaxwayne Siilaanyo iyo Wasiiradiisa Maaliyadda oo  ay ku tilmaameen laba masuul oo wax badan u qabtay shacbigooda, kuwaas oo halkaasi kaga dhawaaqay ceelka Coodanle oo ay ugu magac-dareen wasiiradda Maaliyadd marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu in badan ku noqnoqatay deegaanadaasi ay kusoo baro-kaceen dadka abaaruhu ku haleeleen bariga Somaliland.

Waxa halkaasi kasoo guryo-noqday oo doraad dib ugu soo noqday Magaaladda Hargeysa wefti iskugu jira xukuumadda iyo shirkadda riiga iska leh, kuwaas oo ceelka dushiisa kula hadlay  warbaahinta ayaa ka warbixiyey  waxyaabaha uu ceelkani ka tari doono biyo la’aantii baahsanayd ee deegaanadaasi ka jirtay, kuwaas oo halkaasi ku shaaciyey inuu ceelka Coodanle laga qoday yahay ceelka ugu biyaha badan ceelasha laga qoday hawdka.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Aadan Cabdilaahi Maxamed (Aadan Caruus) oo ka mid ah maamulka shirkadda riiga ee Durdur Drilling Company, kaas oo ka warbixiyey ceelka Coodanle iyo xadiga biyaha laga helay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay  “Ceelkan aynu dul taaganahay waa ceelkii Coodanle, waxaad aragtaan 29-kaa maalmood  15 cisho oo ka mid ah biyaha sidaas ayuun baa looga cabayey, sidaan idiin sheegayna shirkaddan Durdur Drilling Company  hawd ceelal badan bay kasoo qoday, ceelkanina waa ceelkii ugu biyo macaanaa, uguna biyo badan markaa dadka deegaanka waxaan leeyahay ceel fiican baad haysataane oo gacantiina ku jira maanta ee ka faa’idaysta oo ilaashada”.

Dhinaca kale mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa isagoo dareenkiisa la xidhiidha ceelkaasi cabiraya, waxa uu yidhi “Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dadku way amaanayaan ee anigu waan u ducaynayaa. Wasiirada maaliyadda marwo Samsam-na waxaan leeyahay Samsam-kii janada Ilaahay ha kaa waraabiyo Samsam-kii janadaad naga waraabiseene.

Haddii aan usoo noqdo xaalada ceelka, ceelku xili fiican buu kusoo beegmay oo Alxamdulilaah oo waad arkaysaan waa lagu aflaxay oo xoolaha tirada badan iyo dadkaas faraha badan oo dhami-ba way ka cabayaa, markaa waanu u mahadnaqaynaa Madaxwayne Siilaanyo iyo wasiiradiisa maaliyada marwo Samsam-ba”.

Sidoo kale muwaadin kale oo isaguna halkaasi ka hadlay isla markaana ka mid ah dadkii kasoo baro-kacay deegaanadda gobolka Sanaag ee mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa Coodanle, ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Anigu waxaan ka mid ahay dadkii kasoo  hayaamay gobolka Sanaag, maantana waxaan ku suganahay ceelkii  riiga ahaa ee Coodanle ee ay xukuumadu dhistay ugu horayna Ilaahay baanu u mahadnaqaynaa marka labaadna waxaanu u mahadnaqaynaa xukuumadda riigan inoo keentay”.

Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay La-taliyaha Madaxwaynaha ee arrimaha saxaafadda Khadar Cali Gaas, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Lix todobaad ka hor xaalada deegaanku sidii ay ahayd waatii aynu wada ogayn, markii hore ee aanu halkan idiinku nimid ee dadka badan iyo xoolaha tirada badaniba ay idin dul taagnaayeen waydinkii ogaa ee meel laga cabo la la’aa isla markaana aad barkadihiina aan idinkaba idinku filnayn aad kolba waxyar uga soo dardarayseen oo wakhtigaas maynaan haysanin rajada maanta inoo muuqata”.

Khadar Cali Gaas isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waftigii markii hore wasiiradda maaliyadu hogaaminaysay ee halkan yimid markii ay aragtayba waxay gaadhay go’aan ah inay arintii Madaxwaynaha gaadhsiiso, madaxwaynuhuna waxa uu amray in degdeg looga hawlgalo in riig loo doono dadkan iyo xoolahan biyaha u baahan, maadaama oo aan booyado lagu kafayn karin dadkan hadii ay abaartu sii daba-dheeraato. Markaa maadaama oo aanu imika u nimid inaanu eegno ceelka biyihiisii sida ay yihiin waxaanu ogaanayba in biyihii la filayey biyo ka badan in laga helo, ceelkan Coodanle-na waa ceelka ugu biyaha badan ceelasha hawdka laga qoday sida ay sheegtay shirkadda qodaysay ceelka”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.