WorldRemitAds

Waddani Muxuu Kaga Jawaabay Su’aasha Ka Taagan Doorka Guddoomiyahoodu Ku Leeyahay Xeer La’aanta Keentay Dib U Dhaca Doorashada Wakiillada?

Hargeysa, Somaliland, September 20, 2016 (Saxafi) – Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa shalay maxkamadda sare u gudbiyey dacwad ka dhan ah kala saaridda doorashadda iyo muddo kordhin loo sameeyo golaha Wakiillada oo ay ku tilmaameen sharci daro.

Madaxda sare ee xisbiga WADANI ayaa qoraalka dacwadda ah u gudbiyey gudoomiyaha maxkamadda sare, waxaanay sheegeen inay ka dacwoonayaan go’aankii madaxweynuhu ku kala saaray doorashadda madaxtooyadda iyo Wakiillada oo hore loogu heshiiyay inay hal mar wada dhacaan. “Maxkamadda sare ayaanu u gudbinay oo sharciga iyo nidaamka ay xukuumaddu ku tumatay iyo waraaqdii madaxweynuhu soo qoray oo aan anagu u arkayno xisbi ahaan wax dastuurka iyo sharciga baalmarsan ee golaha Wakiilada loo gudbiyey”ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga WADANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde.

SomlegalAds

Uur-cadde ayaa sheegay in si wanaagsan uu u qaabilay gudoomiyaha maxkamadda sare, waxaanu yidhi “Waxaa aanu aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa, gudoomiyaha maxkamadda sare oo si wanaagsan noo soo dhoweeyay oo noo qaabilay, anagoo ku kalsoon go’aanka uu ka gaadho, runtiina aad ugu hanweynahay in gudoomiyahani yahay gudoomiye ku dhaqmaya cadaaladda iyo shuruucda dalka u yaalla oo uu intii uu joogay wax badan ka soo qabtay, tana aanu rajaynayno inay noqon doonto mid rajadda Somaliland ee kalsoonadda cadaaladda inoo soo celisa”

Xoghayaha guud ee xisbiga WADANI Maxamed Uurcadde oo la waydiiyey maadaama uu gudoomiyaha xisbiga Waddani yahay gudoomiyaha golaha Wakiillada balse mudadii uu golahaasi joogay aanu samayn xeerarkii lagu soo dooran lahaa xildhibaanadda Wakiiladda, taasina ay sababtay in la kala saaaro doorashadda xeerkii lagu dooran lahaa oo wali qabyo ah awgeed, waxaa ay ku doodaysaan mar haddii aanu gudoomiyuhu arrintaasi samayn, waxaanu xoghayuhu ku jawaabay “Su’aashaasi waa mid nagu soo noq-noqotay, wax ka jiraana ma jiraan, gudoomiyaha golaha Wakii;lada iyo Wakiilladda wax ku xidhnaa saami qaybsiga Golaha Wakiilladdu ma jiraan, waxa jiray in maxkamadda sare ay qaraar gaadhay ay u dirtay golaha Wakiillada in doorashadaasi golaha Wakiiladda ee 2005-kii hal mar lagu gallo doorashadda, waxaana xukuumadda amar lagu siiyey in tiro koob ay samayso, cida ku fashilantay ee hawlihii loo diray ka soo bixi wayday waxay ahayd xukuumadda ”.

Xisbiga WADANI ayaa hore u taageeray baaqii ay beesha caalamku ku cambaaraysay go’aankii madaxweynuhu ku kala saaray doorashada, isla markaana dib ugu dhigay doorashadda Golaha Wakiiladda, waxaana laga dhursugayaa jawaabta ay Maxkamadda sare ka bixin doonto dacwadan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.