WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 19, 2015 (Saxafi) – Wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta ayaa shalay lagu xusay maalinta Xog ururinta Afrika iyo Somaliland, taas lagu soo bandhigay xog ururinta iyo muhiimadda ay u leedahay mujtamaca iyo xukuumadaba.

Munaasibada lagu xusayey xog ururintan ayaa lagu qabtay hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaana halkaasi ka soo qaybgallay agaasimaha guud ee wasaarada Qorsheynta Cabdirashiid Axmed Guuleed taas oo ka warbixiyey xog ururinta ay wasaaraddu ka waddo gayiga Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaarada qorshaynta qaranka Cabdirashiid Axmed Guuleed oo hadal ka jeediyay kulankan lagaga hadlayay xog ururinta ayaa waxa uu sheegay in aan waxba la qaban Karin hadii aan xog ururin la helin, isla markaana ay aasaas u tahay waxqabadka.

SomlegalAds

Kulanka Wasaaradda QorsheyntaCabdirashiid Axmed Guuleed oo sharaxaya sababta maalintan 18 November loogu doortay inay noqoto maalinta xog ururinta Afrika, waxaanu yidhi “wadamo badan ayaa isku tagay ka dibna waxa la go’aamiyay in 18 bisha November ay noqoto maalinta xog ururinta Afrika, waana maalintii xog ururinta Somailand xog ururintu waa waxa ugu muhiimsan ee kow ka ah waxqabadka hadaan sahan la helin wax ba lama qaban karo oo waxba lama diyaarin karo, marka xog hesho ayaad helaysaa in aad wixii daba gasho oo la ogaado dhibaatada jirta maanta (shalay) waxa halkan iskugu nimid in aan ka qayb galno maalintan loo soo asteeyay xog ururinta Afrika, isla markaana wasaaradda qorshaynta qaranka ka soo bandhigto xogta ay hayso iyo waxa ay qabatay waxyaalaha u qabsoomay iyo halka ay marayso. Markaa hal ku dhiga maanta la isticmaalayaa waxa weeye in la helo xog wanaagsan oo ku xidhan horumarka casriga ah”.

Si kastaba ha ahaatee, wasaaradda Qorsheynta ayaa sheegtay in xog ururinta dalka laga sameeyey tahay ka waxqabadka la taaban karo laga sameeyo, isal markaana marka xog ururin la helo lagu xisaabtami karo waxay xukuumaddu fulinayso.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.