WorldRemitAds

Fadhigii kowaad ee Golaha barlamaanka cusub ee dalka Isu Taga Imaraatka Carabta oo arbacadii November 18, 2015, ka qabsoomay xarunta golahaas ee magaalada Abu Dhabi ayaa guddoomiyaha golaha loogu doortay Dr. Amal Abdullah Juma Al Qubaisi.

Haweenaydan oo taariikh badan ku leh hanaanka dimuqraadiyada shacabka ee dalka Imaraatka carbeed, ayaa sida la sheegay noqonaysa haweenaydii ugu horaysay dhamaan waddamada jaamacada Carabta xubnaha ka ah ee guddoomiye ka noqota barlamaan.

Sanadkii 2006-dii ayay Dr. Amal Abdullah Al Qubaisi bilowday halgankeeda siyaadeed, waxaanay dhawr sanadood ka dib, noqotay haweenaydii ugu horaysay waddamada dalalka Khaliijka carabta ee xubin barlamaan loo doorto, dadkuna u codeeyaan, waxaanay taas macnaheedu tahay in aanay habka kootada ah ee haweenka aanay golaha ku soo gelin ee ay cod ku timi.

SomlegalAds

Amal-Abdullah-Juma-Karam-Al-QubaisiDedaalo badan ayay samaysay, waxaanay ku guulaystay in doorashadii hore ee golaha barlamaanka Imaraatka carabta ay, ka mid noqoto guddoomiyayaasha gudi hoosaadyada golaha shacabka ee dalkaas, kaas oo ah golaha barlamaanka ee waddanka Isu Taga Imaraatka Carbeed.

Sida wakaalada wararka bariga dhexe ku warantay, markii uu furmay fadhigii kowaad ee golaha cusub ee dalka Imaraatka carabta, ayaa la galay hawlihii shaqo ee golaha, waxaana guddoominta golaha loo dhiibay Majed Al Shamsi oo isagu noqday qofka ugu da’da wayn golaha.

Ka dib ayuu bilaabay gudoominta golaha, waxaanu ku dhawaaqay in musharaxiinta doonaya shir gudoonka golaha gaar ahaan guddoomiyaha goluhu ay ku dhawaaqaan oo ay is tagaan, waxaana ka dhex kacday golaha Dr. Amal Abdullah Juma Al Qubaisi, mana jirin cid kale oo isla sharaxday, waxaana si aqlabiyad ah uu goluhu u doortay haweenaydan oo noqonaysa tii ugu horaysay ee guddoomiye barlamaan loo doorto dhamaan waddamada carabta oo dhan.

Hadal kooba oo mahad naq u badan ayay jeedisay, waxaanay xubnaha golaha ku war gelisay, in hawlo badan oo nidaaminta shuruucda dalku ay u yaalaan, shaqo badanina sugayso, dhabar adayg iyo dulqaad badana looga baahan yahay, khaladaadkana la iska jiro.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.