Boorama, March, 10, 2012, (Saxafi) – Beeraleydda ku nool deegaanka Degmolaqas ee degmada Boorama ayaa xukuumadda iyo hay’adaha samafalkaba u diray baaq ay kaga dalbanayaan in la siiyo gargaar dhinaca cuntada, shinida iyo biyahaba leh ka dib markii ay dhulkaa ku habsadeen dabaylo iyo roobab watay baraf baabi’iyay dalagyaddii sannadkii hore.
Kullan ay shalay deegaankaasi ku qabteen odayada, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeedda deegaankaasi ayaa waxa ka hadlay haween, odayaal iyo xubno ka tirsan guddi maamul oo deegaankaasi leeyahay. Waxaana ay tilmaameen in ay itaal u la’yihiin inay qotaan dhulbeereedkooda ayna gabaabsi ku tahay cuntadu.
Ugu horreyn waxa halkaa ka hadlay Axmed Cismaan Caynaan oo ka mid ah guddiga beesha Degmolaqas waxana uu yidhi. “Waxaan maanta isugu nimi inaan dawladda sare, tan Boorama,kangobolka iyo hay’adaha qaadhaanka bixiyaba u gudbinno baaq ku saabsan in gargaar cunto nalala soo gaadho, si aan u qodanno beerahayaga oo ay dalagyadii naga baabi’iyeen roobab baraf watay oo gebi ahaanba naafeeyey wax soo saarkii sannadkii hore. Degaankani waxa uu yahay kan ugu ballaadhan ee ku yaal galbeedka Boorama, kaa soo ay ku noolyihiin ilaa 700 oo qoys oo taxan illaa halkan aan Joogo (Degmolaqas), ilaa laga gaadho xadka Itoobiya. Dawladda gobolku way noo timi sannadkii hore markii barafkaasi dhacay, waxayna naga ballanqaadeen inay gargaar iyo hoy noo keeni doonaan hase yeeshee dib nooguma soo noqon.”
Daahir Kaahiye Lo’doon oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sidoo kale tilmaamay dhibaatadda la soo daristay waxaana uu ku soo ururiyay haddalkiisa oo yidhi. “Sida la ogyahay waxa deegaankan ka dhacay roob watay buuro baraf ah, oo sida jaajuurka isku dulfuulay, kaasoo baabiiyey dalagyadii beeraha, guryihii, isla markaana xoolihii naafeeyey, waa naloo yimi oo waxa la yidhi dawladda iyo hay’adaha ayaan idiinku sheegeynaa ,ma haynno waxba. dhulkii wuu sii abaaroobay biyihiina gabaabsi ayay sii noqdeen, xoolana hadalkooda daa way itaaldarreeyeen. waxan dadkayaga debadaha, kuwa gudaha ,dawladda iyo hay’adaha ka codsanaynaa inay na soo gaadhsiiyaan gargaarda la qaybinayo xaqbaan u leenahay inaan wax ka hello gargaarkaasi.”
Faarax Qalinle Obsiiye, oo ka mid ah odayaasha beesha ayaa isna yidhi “Waxaan sannadkii hore ka soo baxnay abaar, ilaahay gu fiican ayuu noo keenay, beerihii aan qodannay ee noo baxay ayaa Ilaahay u keenay dabaylo iyo roobab baraf ah, isagoo dhulka dhigay dalagyadii iyo guryihii, xooluhu Tiinkaasay quutaan, annagoo weliba bixinna cashuuraha beeraha, sidaa darteed waxan dawladda u sheegeynaa inay meeshan il gaar ah ku soo eegto waxa dadka Somaliland qabana laga qaybgeliyo”
Marwo Xaliimo Xaaji Bookh, ayaa iyaduna ka mid ahayd dadka baaqan diray, waxaana haddalkeeda ka mid ahaa oo ay tidhi. “Mar hadii Ilaahay naga nabadgeliyay wixii meesha ka dhacay, waxan hay’adaha dalka jooga ka codsanaynaa in nala soo gaadhsiiyo wax kastoo dadka ama gobolka dadkiisa lagu gargaarayo, weli dawladda Somaliland ee cusubkamahaynno wax gargaar ah, wayna noo ballanqaadeen laakiin ballanqaadkaasi lama fulin”
Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay masuul ka tirsan urur siyaasadeedka Waddani Axmed Muumin Seed isagoo yidhi. “Maaha in marka aan doorasho doonaynno inaan halkan nimaadno oo aan nidhaa na doorta, waxaanan maantana u imi anigoo ka soo jeeda deegaankan Degmolaqas oo ah meesha aan ku dhashay ,inaan ogaado dhibta idin haysata, dawladda iyo ciidii kale ee maanta (Shalay) wax haysana idiin dhex cararro. Raashin badan iyo gargaar badan ayaa dalka la keenay, hase yeeshee waxa marmarka qaarkood lagu bixiyaa meelo aan munaasib ahayn ,ama cidlo ah ama la boobo, sidaa darteed waxaan leeyahay dadkani waa dadkii xaqa u lahaa gargaarkan waana beesha ama deegaanka ugu dadka badan Boorama hareeraheeda ama galbeedkeeda, ma garanayo waxa loo garab mariyay gargaarka dalka daafihiisa wada gaadhay. waxaan codkayga ku biirinayaa odayaasha halkan ka hadlay ee aan isku deegaanka nahay oo aan leeyahay maxaa dadkan iyo deegaankan u diiday in la soo gaadhsiiyo gargaarka ah cuntada si ay beerihii barafku ka baabi’iyey dib ugu qotaan.”