WorldRemitAds
Djibouti, February 29, 2016, (Saxafi) – Dalalka Somalia ay ka joogaan ciidamada ku socda magaca AMISOM ee Midowga Afrika ayaa shalay ku shiray magaalada Djibouti.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galay Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Jabuuti, Raysalwasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirada Difaaca dalalka Burundi iyo Uganda wakiilo ka socdey Negria iyo Ghana.
Shirka ayaa lagaga hadley xoojinbta hawglaka AMISOM, hawgaladii u danbeeyey iyo taageerada ciidanka Soomaaliya sida lagu sheegay war ka soo baxay.
Shirkan ayaa daba socdey shir maalin ka hor ka dhacay Djibouti oo heer wasiir ahaa, kaas oo ay ku diyaariyeen qodobada ay ka doodeen shalay hoggaamiyayaasha wadamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, Waxaa shirikaas Soomaaliya uga qayb-galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Hadliye.
Madaxweynaha Kenya oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa dalbadey in ciidamo xoogleh leh la isugu geeyo gobolka Gedo oo uu ku sheegay in al-Shabaab ay ka dhigteen gabbaad ay ku nabad galaan kana abaabulaan weeraradooda. Gobolka Gedo ayaa xuduud la wadaaga Kenya. Weerar gaadmo ah ayaa al-Shabaab bishii hore ku qabsadeen saldhig ciidan oo Kenya ku lahayd gobolka Gedo halkaas oo al-Shabaab ku dileen ciidamo aad u badan, hanti badana ku qabsadeen.
Madaxda AMISOM ayaa sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loogu tala galay in ay ka qayb-qaataan dagaalada al_Shabaab ka dhanka ah in aanay weli soo gaadhin. 12 diyaaradood oo Golaha Amaanku oggolaadey sanadkii 2012.
Hoggaamiyaasha shirka ku yeeshey Jabuuti ayaa sidoo kale kawada hadley, dhaqaalaha ku baxa ciidamadooda oo Midowga Yurub ka jarey 20%, waxay isku raaceen in aan waqtigan loo baahneyn dhaqaale laga jaro marka la eego xaaladda Soomaaliya, taas oo hoos u dhigi karta hawl-galka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka khudbad ka jeediyey ayaa madaxda shirka ka qeybgashey u soo jeediyay talooyin ay ka mid yihiin wadashaqeyn iyo xidhiidh hufan oo dhex mara taliska dhexe ee AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya, in la xoojiyo taageerada la siinayo barnaamijka dib u dhiska ciidammada Soomaaliya oo iyagu aakhirka hawsha kala wareegi doona AMISOM, xoojinta sirdoonka, tababarka ciidammada iyo in weerarada la qaadayo ay noqdaan kuwo lagu beegsanayo bartilmaameedyada muhiimka ah ee cadowga.
Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa si weyn isugu khilaafsan hawlgalka AMISOM, waxaana Kenya ku eedeysaa Itoobiya in gobolka Gedo ay ku dayaceen isla markaana dhankooda aanay ka sifeyn al-Shabaab.
Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya ku sugnaa tan iyo sanadkii 2007, sanadkasta waxaa loo cusbooneysiiyaa oggolaanshaha ay Soomaaliya ku joogaan, waxaa ku baxa Malaayiin Dollar kaas oo ay bixiyaan dalalka reer galbeedka ah, tirada guud ee ciidanka AMISOM ayaa lagu sheegaa in ay ka badan yihiin 20,000 kun oo askeri, kuwaas oo ka kala socda dalalka Burundi, Itoobiya, Djibouti, Kenya, Uganda iyo dalal kale oo iyagu soo direy shaqaalaha rayidka ah, Boolis iyo khubaro kale.
Shirka markii uu soo dhamaadey waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadley Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha martida loo ahaa ee Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, waxaana ay ka warbixiyeen War murtiyeedkii shirka ka soo baxay ee loogu magacdarey Bayaankii Djibouti.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.