WorldRemitAds
Baydhaba, Somalia, February 29, 2016, (Saxafi) – Ugu yaraan 19-ruux ayaa ku dhintay in ka badan 45-kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo culus uu midkood is miidaamin ahaa oo shalay gilgilay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Mid ka mid ah labadan Qarax ayaa lala beegsaday Maqaayad lagu magacaabo Beder oo ku taalla badhtamaha Magaalada Baydhabo, waxaana la sheegay inuu isku Qarxiyay ruux ay waxyaabaha qarxa ku xidhnaayeen. “Tirada Dadkii ku Geeriyooday Qaraxii lala beegsaday Maqaayadda Beder ee aan Arkay waxay ahaayeen 10-qof, waxaanan arkay dhaawacyada in ku dhow 10-qof, kuwaasoo ahaa rayid maqaayadda shaah ka cabayay,” ayuu yidhi Goobjooge ku sugnaa meel ku dhow halka uu Qaraxu ka dhacay.
Sidoo kale, Qaraxa kale ayaa ka dhacay Degmada Baydhabo, halkaasoo ay dad badan ku sugnaayeen xilligaas, kaasoo loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay agagaarka halkaas. “Waxaan ku sugnaa meel aan ka fogeyn Shirkada Dahab-shiil markii qaraxu dhacayay inta aan arkay dhimashada waxay ka badnayd siddeed qof oo shacab ah iyo tiro intaas ka badan oo dhaawacyo kala duwan qabay,” ayuu yidhi Goob-jooge Baydhabo ku sugan.
Isbitaalka guud ee Baydhabo ayaa waxaa la gaadhsiiyay in ka badan 25-qof oo Qaraxyadan ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen, Waxaana sidoo kale la gaadhsiiyay 14-qof oo ku dhintay Qaraxyadii shalay Baydhabo ka dhacay.
Dhanka kale, Isbitaalka Ciidanka AMISOM ayaa waxaa la gaadhsiiyay sidoo kale Dhaawacyo badan oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidanka maamulka Koonfur-galbeed Somalia, iyadoo sidoo kalena la gaadhsiiyay maydadka dhowr qof oo kale.
Ma jirto illaa hadda Cid sheegatay inay Mas’uul ka tahay Weeraradan oo noqonaya kuwii ugu Khasaaraha badnaa ee ka dhaca Magaalada Baydhabo, balse Al-shabaab ayaa hore u sheegatay qaraxyo noocaan oo kale ah oo sanadkii hore ka dhacay Baydhabo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.