WorldRemitAds
Colombia, South Caroline February 29, 2016 (Saxafi) Murashaxad Hillary Clinton ahna Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa ku guuleysatay codbixintii Sabtidii laga qaaday gobalka South Carolina oo ay taageerayaasha xisbiga Dimuquraadiga u codeeyeen murashaxa ay doonayaan inuu u matalo doorashada Madaxweynaha.

Codbixintii ka dhacday gobalka South Carolina ayey Hillary heshay 73% codadka, halka Murashax kasoo horjeeda ee Bernie Sanders uu helay 26% codadka dadka taageera xisbiga Dimuquraadiga ee ku nool gobalkaasi.
Waa gobalkii 3-aad oo ay ku guuleysaneyso Hillary, waxayna hore si dirqi ah ugu guuleysatay gobalada IOW iyo Nevada, halka murashaxa ka soo horjeeda ee Senator Bernie Sanders uu si weyn ugu guuleystay gobalka New Hampshire.
Guusha Hillary ayaa ah mid ay ka heshay dadka madow ee ku nool koonfurta Maraykanka, Hillary ayaa dadaal weyn ugu jirta inay shacabka madow ka gado inay tahay murashax u dagaalamaya xaquuqdooda, waxayna dooneysaa inay si buuxda gacanta ugu dhigto codadka dadka madow ee gobalada Koonfurta Maraykanka.
Bernie Sanders oo isagu ah murashax taageero badan ka helaya dhalinyarada iyo dadka isbedal doonka ah ayaa ugu hambalyeeyay Hillary guusha ay gaadhay, balse wuxuu sheegay in dhankooda ay ku rajo weyn yihiin in ay ku guuleysan doonaan gobalada dhawaan codbixintu ka dhici doonto.
Salaasada soo socota oo loo yaqaan (Super Tuesday) ayaa ah maalin ay codbixinta ka dhici doonto 11 gobal oo ay ku jiraan gobalada waaweyn ee waqooyiga iyo Koonfurta Maraykanka.
Is-reeb-reebka murashaxiinta xisbiyada Maraykanka ayaa ah codbixin hordhac ah oo lagu kala saarayo Murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha ee ka kala iman doona Xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga waxaana isugu soo hadhi doona labada murashax ee rasmiga ah ee labada xisbi kuwaasi oo u gudbi doona doorashada Guud oo dhici doonta bisha November ee sanadkan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.