WorldRemitAds

Saddex Qodob Oo Laga Soo Saaray Shir Degdeg Ah Oo Maamulka Dawladda Hoose Ka Yeeshay Waxyeeladii Roobabku Geysteen

Hargeysa, Somaliland, June 14, 2016 (Saxafi)-Maayarka Caasimadda Hargeysa oo ay wehelinayaan xildhibaanadda golaha deegaanka Caasimaddu ayaa bilaabay banaynta jidka dheer ee labadda boqol oo ku wareegi doonta magaaladda caasimadda ah ee Hargeysa oo noqon doonta waddadii ugu ballaadhnayd dhinaca Balaca isla markaana ugu dheeraan doonta..

Wadadan labadda boqol ayaa iskaga gudbi doonta sideedda degmo ee caasimaddu ka kooban tahay, taasi oo ah waddada ugu weyn ee caasimaddu yeelan doonto, isla markaana wax ka tari doonta mashquulka wadooyka magaaladda dhexmara.

SomlegalAds

Ugu horeyn Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa uga mahad naqay ganacsadaha weyn ee Maxamed Aw Siciid oo qalab aad u qaali ah ku ugu deeqay mudadda ay waddo banayntaasi socoto, maadaama oo wadadani marayso Buuro iyo dhagaxaan aad u waaweyn, taas oo qalabkaasi si sahlan u dhexmari karo.

dawladda hoose ee HargeysaMaayarka oo wadadda labadda boqol ee dawladda hoose Waddo ka hadlaya waxa uu yidhi “ Waxaan halkan uga mahad naqayaa shaqaalaha dawladda hoose, Ganacsadde Maxamed Aw Siciid oo shalay markii uu soo booqday qalab kale oo dheeraad ah inagu soo kordhiyey, waxaana imika haysana toddoba qalab oo waaweyn oo wadooyinka aanu u adeegsanayno oo ah qalab aad u muhiim, kuwaas oo kala ah saddex bardowsar, Sheewal, tii dhagaxaanta burburinaysay (D9), gaadhigi shiidaalka iyo  gaadhigii la shaqaynayey ,  toddobaada gaadhiba ka shaqaynayaan dhinacii, waxa kale oo si gaar ah ugu mahad naqayaa xildhibaan Xasan Shahar oo hawsha isagu si weyn iskugu xil saaray, waxa kale oo iyaguna u mahad celinayna shacabka odayaasha hawsha nala wadda iyo warbaahintaba, Wadadani waxay hadda galaysa degmaddii afraad, Insha alla Afarta degmo ee kale waanu soo gaadhaynaa”.

Mar uu la hadlayey dadweynaha wadooyinka dhex degan waxa uu yidhi “waxaan dadweynaha dhex degay wadooyinka ee doonaya in dhul lagu siiyo waddo ay dhex degeen waxaan leeyahay cid dhul lagu siinayaa ma jirto ee waa in aad ka sii guurtaan, cidna loo ogolaan maayo in ay dhulka dhex degaan”.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Injineeradda iyo xildhibaanadda golaha deegaanka ee ku hawlanaa banaynta jidka dheer ee labadda boqol oo magaaladda ku wareegaysa.

IMG_20160613_101445Xildhibaan Xasan Shahar oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ mudane maayar  maalintii dhowayd ee aad dhagaxa noo dhigtay ee aanu wadadan bilownay, waxaana imika iskaga soo gudubnay saddex degmo waxaanu hadda marayna degmaddii afraad ee Macalin Haaruun, wadadii waad arkaysaa gaadiidka waaweyn iyo kuwo yaryar maraysaan , waxaana qalab badan inoogu deeqay ganacsadaha weyn Maxamed Aw Siciid oo isagu danaynaya  horumarka caasimadda waxaanu leenahay ilaahaw ajar iyo xasanaad ha ka siiyo jidkaasi weyn ee qalabkoogii inoogu deeqay, waxa naga hor timid buurtaasi weyn oo dhagaxaan casayaal leh, qalabkii burburinayeyna waad noo soo dirtay maanta ayaanu ka bixi doonaa insha alla, xalay waadigii nagu soo maray ee halkan nagala afurey, hawshana joojin mayno ee waynu wadayna, waxaanay wadadani noqon doonta mid maayarka iyo golaha deegaanka taariikhda u gasha”.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Cabaas oo ah guddoomiyaha guddida dhulka, xildhibaan Axmed Cali Haybe, Xildhibaan Mubaarak Cabdi Mallow iyo Khaalid Abiib oo ka mid ah injineeradda dawladda hoose ee Hargeysa.

Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda ayaa shir degdeg ah la yeeshay agaasimeyaasha dawladda hoose iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka caasiamdda, kuwaas oo uu ku armay in loo gurmaddo dadkii roobabku wax ku yeelay caasimadda.

Kulan ayaa xalay ka dhacay xarunta Dab-damiska ee magaaladda Hargeysa, waxaanu maayarku faray madaxda dawlada hoose in si wada jir ah looga wada qaybqaato gargaar u fidinta dadkii waxyeeladdu ka soo gaadhay roobkii dabaylaha watay ee ka da’ay caasimadda Hargeysa maalintii Isniintii la soo dhaafay ee 13-kii Bishan June 2016.

Shirkaasi oo laga soo saaray saddex qodobo oo muhiim ah, waxa gabo gabaddii akhriyey Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “horta dadkii roobabkii dhacay ku geeriyooday tacsi baan  u direynaa, waxaana la xaqiijiyey inay dadkaasi dhamaayeen shan qof,  qodobaddii shirkeena ka soo baxay waxay yihiin saddex qodob, qodobka kowaad waa in kulan lala yeeshaa shirkadaha ka ganacsadda laydhka, qodobka labaad waa in dhamaan laga durkaa oo dadka degana laga fogeeyaa jidadka, iyo qodobka sadexaad oo ah in degmo walba nadiifisaa wixii qashin ah ee uu daadadkii kaga tageen wadooyinka iyo wixii dhagaxaan ah ee laamiiyadda yaala, laamidda dhexena waxa nadiifin doonta waaxda arrimaha bulshadda”

Maayarku wuxuu sheegay in gurmad qaran loo samayn doonto sidii loogu gurman lahaa dadkaasi ku waxyeeloobay roobabka, waxaanu ganacsatadda u soo jeediyey inay u naxariistaan dadkoodda danyarta ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.