WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 16, 2016 (Saxafi) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo uu wehelinayo maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelko, ayaa xadhiga ka jaray  145 guri oo loo dhisay qoysas danyar, kuwaas oo loo bixiyey xaafadda jimcaalle.

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtey xaafadda Jimcaale eelaga hirgaliyey 145 guri ee danyarta loo dhisay waxa ka soo qaybgallay madaxweyne ku xigeenka, maayarka Caasimadda, wasiirka Dib u dejinta, wasiirudawlaha arrimaha bulshadda iyo marti sharaf faro badan.

Mashruucan waxa lagu dhisaayay 145 Guri oo loogu tallo-galay inay ka faa’iidaystaan 145 Qoys amaba dad gaadhaaya 1,115 Ruux, waxaanna Mashruucan hirgelisay Hay’adda UNHABITAT, iyaddoo ay maal-gelintanna bixisay Dawladda Jaban. Mashruucan waxa garab socday oo Dan’yarta Xaafaddan Jimcaale la barraayay Xirfaddaha kala duwan sida Dawaarka, Dabka iyo Xinnaha.

SomlegalAds

Caasha Maxamed Axmed oo ka socotay Hay’adda UN-Habitat ayaa waxay sheegtay inay guryahan loogu tallo-galay 145 Qoys oo dan-yar ah, waxaannay tidhi “Dadkan waxa laga soo raray Barkaddaha Kaydka biyaha oo wax wayn ka taray Mashruuca balaadhinta Biyaha Caasimadda Hargaysa oo si mug leh u socda. 145-ka Guri waxaa loogu talo-galay oo ka faa’iidaysannaaya 1115 Ruux ama 145 Qoys.”

Wasiirka Wasaaradda Dib u Dejinta Cali Siciid Raygal oo isagunna Munaasibaddaas ka hadlay ayaa dadweynaha Xaafaddaas cusub ku dardaaray inay ilaashaddaan Hantidaa loo sameeyay, waxaannu yidhi “Waxaan leeyahay Dadka Dan’yarta ahow ka faa’iidaysta Guriyahaas la idin dhisay, dhulkaas iyo Masuuliyaddaas idin saran”.

Wasiirul-dawlaha wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha bulshadda Cabdi Daahir Camuud ayaa isagunna sheegay in bulshadda ku dhaqan xaafaddan cusub ee Jimcaale ay maanta haystaan Hanti ay leeyihiin, waxaannu yidhi “Guryahan idinkaa leh oo Musqullo ayaad ka samaysan kartaan, hagaajista oo waxa yar ee ka dhiman idinku ku darsadda, waayo waa Guryo aad leedihiin.” Ayuu yidhi Cabdi Daahir Camuud.

Maayarka Caasimadda Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO), ayaa sheegay in mar kasta ay diyaariyaan dhulka loo dhisayo danyarta, waxaanu sheegay in dhulkan ay igu ugu deeqeen dadka danyarta ah ee loo dhisayo, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaannu u diyaarinnay dadka deggan Xaafadda 150-ka, Xabaalaha New Hargaysa, Cakaaraba dhulkii ay deggi lahaayeen” Ayuu yidhi Maayarka Caasimadda Hargaysa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo xadhiga ka jaray Xaafaddaas cusub waxa uu u balan-qaadday in wixii lala qaban karo loo qaban doonno, waxaannu yidhi “Marka hore waxaan u mahadnaqayaa dawladda Jaban oo maal-gelinta bixiyay, wixii la idin qaban karra Xukuumadda iyo dawladda hooseba waa idin diyaar.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici

Ugu dambayntii waxa Madashaas shahaadooyin lagu guddoon-siiyay Agaasimaha Hay’adda wadaniga ah ee Asal Youth Organization Cabdishakuur, Shirkadda Dhismaha ee Hoobaan iyo Hay’addo kale oo UN-Habitat kala shaqaynaayay hirgelinta Mashruucan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.