Hargeysa, Somaliland, March, 19, 2012, (Saxafi) – Waxa lagu guuldaraystay dadaalo la doonayay in xabsiga lagaga sii daayo odayaal ay xukuumada Somaliland Magaalada Laascaanood ugu xidhay tuhun la xidhiidha ciidamo ka goostay dawlada maalintii doraad.
Waxagaradka Magaalada ayaa ilaa habeen hore kulamo is daba joog ah la lahaa madaxda dawlada, kuwaasoo isku dayay in odayaasha xidhan la sii daayo, laakiin waxa taas ku gacansaydhay maamulka oo aaminsan in ay ka dambeeyeen ciidamadii goostay, isla markaana ay gacan kuu siiyeen qorshadooda, iyaga oo odayaasha u sheegay in ay sharciga horkeeni doonaan.
Qaar ka mida dadweynaha reer Laascaanood oo aan wax ka waydiinay, ayaa xukuumada ugu baaqay in odayaasha loo sii daayo si dhakhso ah ama maxkmada la horkeeno, waxaana ay go’aankii lagu xidhay ay ku tilmaameen arrin lagu deg-degay. “Waxa aanu leenahay odayaashani waxbakamadanbayn wiilasha u baxsaday dhinaca Khaatumo, iyagaa go’aanka gaadhay, la soo daayo, haddee sharciga ha la horkeeno wax lagu qanco ayaa loo baahan yahay “ ayuu Maxamuud Jaahuur. “Somalilandwaa dimuqraadi, waxaan xukuumada ugu baaqayaa in nimanka xidhan ee aan waxba lagu haysan la soo daayo, dalkan maaha xukun milatari lagu haysto wadanka waa la wada leeyahay” ayuu yidhi” Ismaaciil Cumar Axmed.
Magacyada odayada xidhan.
. Axmed Maxamuud Sanbalooshi (Sanyare)
2. Maxamed Axmed Awcali (Garbadheere)
3. Guray Faarax Jaamac Xiir
4.. Maxamed Kaariye
5. Dalab Shire Aw cilmi
6. Cabdirisaaq Yuusuf Dheere
7. Sheekh Cabdicasiis Indhocase