WorldRemitAds

London, UK, July 22, 2018 (Saxafi) – Xarunta Portland Communication ee fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Britain ayaa deraasad ay soo saartay Arbacadii toddobaadkii hore waxay ku soo bandhigtay doorka ama saameynta ay yeesheen dadka iyo alaadaha isticmaala barta-bulshada ee Twitter-ku toban doorasho oo ka dhacay Qaaradda Afrika sannadkii ina dhaafay ee 2017, kuwaas oo ay ka mid ahayd doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee qabsoontay 13-kii bishii November 2017.

Deraasad-dan ayaa lagu soo bandhigay saameynta ay barta twitterka ku yeelatay doorashooyinka dalalka Kenya, Rwanda, Angola, Egypt, Equatorial Guinea, Lesotho, Liberia, Senegal iyo Somaliland, iyadoo guud ahaan dalalkaas ay deraasaddu sheegtay in adeegga loo yaqaan “Twitter bots” ama barnaamijka sida atomaatiga ah fariimaha u dira lagu isticmaalay dhammaan ololayaashii doorashooyinka dalalkaas, balse kuwa u saameynta taban ku yeeshay ay ahaayeen doorashadii dalka Kenya ka dhacday ee muranka weyni ka dhashay.

SomlegalAds

deraasad twitterHase yeeshee warbixinta waxa lagu xusay in saameyntani aanay raad ku yeelan natiijada doorashooyinkii ka dhacay dalalka Angola, Egypt, Equatorial Guinea, Lesotho, Liberia, Senegal iyo Somaliland.

deraasad twitterDeraasad-dan oo ugu horeyn lagu eegayey in lagu aqoonsado cidda barta Twitter-ka ee Afrika ugu isticmaalka badan wakhtiyada doorashada ee sannadkii hore, ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba konton iyo saddex (53%) dadka ugu horeeyay ee hormoodka ka ahaa barta twitterka ee toban doorashooyin ee qaaradda Afrika ka dhacay sannadkii ina dhaafay ay ka imanayeen meelo dibadda ka ah dalalka ay doorashadu ka dhacaysay, ama si kale haddii loo yidhaahdo qurba-joog.

Sidoo kale, fariimaha mishiinku iskii u dirayo (bots) ayaa gebi ahaanba doorashooyinkaas tobanka dal ka dhacay ka qayb ahaa, gaar ahaan dalka Kenya oo deraasaddu hoosta ka xariiqday in saddex meeloodow meel uu ka qayb qaatay.

Marka laga hadlayo codadka dhinaca qurbaha ka imanaya ayaa deraasaddan lagu ogaaday in 54% ay ka imanayeen dalalka ka baxsan qaaradda Afrika, taas oo marka la eegay meelaha ay ka imanayeen uu 33% ka imanayay dalka Maraykanka, halka UK ay ka yimaadeen 15%, Faransiiska 6%, Spain 6% and Imaaraatka Carabta 4%.

Marka aynu si gaar ah u soo qaadano Somaliland ayay deraasaddani sheegtay in cidda saameynta ugu badan ee Twitter-ka kaga qayb-qaadatay doorashadii Somaliland ay ahaayeen suxufiyiinta, mihnadleyaasha Saxaafadda iyo hay’adaha warbaahinta, kuwaas oo noqday 26%, halka mishiinka iskii fariimaha u diraya ee bots uu kaalinta labaad ka soo galay isagoo noqday 16% halka kaalinta saddexaadna ay noqdeen ganacsatada iyo aqoonyahanka oo noqday 10%.

Hase yeeshee arrinta layaabka leh ee deraasaddan lagu helay ayaa ahayd in boqolkiiba siddeed iyo sagaashan (98%) Suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta ee saameynta ugu badan lahaa ay ahaayeen kuwo ku sugan dalka Somaliland dibadiisa oo qurba-joog ah. Tan ayaa noqotay dhibcaha ugu badan ama heerka ugu sareeya ee laga rikoodh gareeyay doorashooyinka ka dhacay Qaaradda Afrika oo dhan. Sidaas si la mid ah ayay deraasaddu heshay in mishiinka fariimaha iskii u dirayaa aan gebi ahaan mid ka mid ahi ku sugnayn dalka Somaliland gudihiisa balse ay ahaayeen kuwo dibadda ka imanayey. Waxaanay deraasaddu sheegtay in bots-kaas meesha ugu badan ee ay ka imanayeen uu ahaa dalka Maraykanka, halka dalka Kenya uu ahaa dalka labaad oo ay 30% mishiinka ama bots ka imanayeen, halka kaalinta sadexaad uu ahaa dalka Malaysia oo 15% ka imanayeen.

Arrinta kale ee Iyana layaabka ku noqonaysa Somaliland, ayaa ah in dalka Somalia uu ahaa ka ugu badan ee ay ka imanayeen fariimaha raadeynta ku lahaa doorashooyinka Somaliland ee dalalka dibada ka imanayey, kaas oo deraasaddu ku qiyaastay in 22.6% uu ka qaatay Somalia, halka kaalinta labaadna uu soo galay dalka Kenya 17.6%, kaalinta saddexaad uu galay dalka UK 15.4%, kaalinta afraadna Maraykanka 12.2%.

Dhinaca dadka ololaha Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta tartamayey ka tirsan ayaa iyagu door aad u yar ku lahaa saameynta Twitter bots-ka ee deraasaddani shiishka saartay, waxaanay noqdeen wakiiladda ololeyaashu 8.5% halkan siyaasiyiintuna ka noqdeen 7.6%.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.