WorldRemitAds

Djibouti, Djibouti, June 24, 2016 (Saxafi/BBC) – “Bariga Afrika wuxuu u baahan yahay Dekeddo farabadan. Waxaanuna doonaynaa in gobolka wax badan laga qabto,” Sidaas waxa yidhi Abu-Bakar Cumar Xadi, Guddoomiyaha  Iyo Madaxa Guddida Maamulka Dekeddaha Djibouti iyo Wakaaladda Suuqa Xorta ee Dubai-Port (DPFZA) oo uu u waramayey Suxufi Caan ah oo mandaqadda Geeska Afrika aad wax uga qora, lana yidhaahdo James Jeffrey.

Suxufigan oo warbixin dheer shalay ku baahiyay Bogga Internet-ka ee BBC-da, gaar ahaan qaybteeda ganacsiga (BBC Business), ayaa wuxuu si faahfaahsan wax uga qoray saamaynta dhaqaale iyo siyaasadeed ee Maalgelinta Dekedda Berbera ka heshay DP World u yeelanayso Somaliland,  tartanka ay Dekedda Djibouti ku keeni karto Dekedda Berbera kadib markii ay dhowaan Xukuumadda Somaliland ku guulaysatay inay maalgelin $442 Milyan ah ka hesho Shirkadda DP World, taas oo ballaadhin iyo horumar ku samayn doonta dekedda Berbera, waxaanu weriyuhu wax ka weydiiyay aqoonyahano iyo masuuliyiin ka soo ka jeeda dalalka Djibouti, Somaliland iyo Ethiopia, iyo weliba aqoonyahano deraasado ka sameeya ganacsiga iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Warbixintan waxa uu weriyuhu ku soo bandhigay in dekedda Djibouti tahay ta keliya ee wakhtigan xaadirka Mandaqadda Geeska Afrika ugu weyn, isla markaana kooto ku haysata ganacsiga Mandaqaddani la leedahay dunida ee dhinaca isku-gudub badeecadaha marinka Badda, taas oo uu xusay in dekedda Berbera noqon doonto ta keliya ee la tartami doonta kadib marka ay DP World maalgelinta ku samayso, isagoo suxufiyigani warbixintiisa bar-bilow uga dhigay isbarbardhig uu ku samaynayo wakhtigan oo aynu Ramadaan ku jirno duruufaha ay ku kala sugan yihiin hawl-wadeenada ka hawl-gala dekedaha Djibouti iyo Berbera, kuwaas oo uu shaqaalaha dekedda Djibouti ka hawl-gelaya duruuftooda ku tilmaamay kuwo ay adagtahay dhinaca cimilada marka laga eego iyo baaxadda badeecadaha dekeddooda ka soo degaya, waxaanu dhinaca cimilada sheegay in cadceedda geeska Afrika ee kulul darteed, ay Berbera tahay mid ka sahlan oo ka degan ta Djibouti, hase yeeshee xamuulka ama badeecadaha labada dekedood ka soo kala degayaa ay aad u kala baaxad weyn yihiin, iyadoo buu yidhi dekedda Berbera wakhtigan ay badeecado yar oo ay sidaan doonyo Yemen ka yimid iyo maraakiib aan badnayn oo waaweyn ama casri ahi ay ku soo xidhaan. Hase yeeshee wuxuu James Jeffrey warbxiintiisa ku sheegay in wakhti yar oo dhow ay arrintaasi isbedelayso kadib marka eego horumarka iyo ballaadhinta lagu samayn doono dekedda Berbera.

SomlegalAds

Berberaport“Bishii May, Shirkadda Xarunteedu tahay Dubai ee la yidhaahdo DP World, ayaa waxaa heshiis lagula galay Ballaadhinta iyo Maamulida dekedda Berbera muddo soddon sannadood ah, mashruucaas oo ku kacaya $442 Milyan oo dollar oo u dhiganta 302 Milyan oo Giniga Ingiriiska ah. Heshiiskaas oo Dekedda Berbera ka dhigi kara xarun iyo deked Ganacsi oo weyn oo ku soo biirta Geeska Afrika, taas oo tartan ku keeni doonta dekedda Djibouti oo tobankii sannadood ee u dambeeyay kooto ku haysata ganacsiga mandaqadda Geeska Afrika,” ayuu warbixintiisa ku yidhi Suxufiga James Jeffrey.

Laakiin waxa uu Suxufigu arrintaas ku tilmaamay mid aan ku weynayn ama aanay ahmiyad siinayn Masuuliyiinta Djibouti, balse waxa uu xusay in xaqiiqdii ay u muuqdaan (Masuuliyiinta Djibouti) kuwo soo dhawaynaya horumarka ay Berbera heshay.

“Waanu soo dhawaynaynaa inay ka mid noqoto isla markaana nala wadaagto ganacsiga mandaqadda ka socda.  Bariga Afrika wuxuu u baahan yahay Dekeddo farabadan. Waxaanuna doonaynaa in gobolka wax badan laga qabto.” Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Dekeddaha Djibouti Abu-Bakar Cumar oo uu weriyuhu weydiiyay saameynta dekedda Djibouti ku yeelanayso horumarin lagu sameeyo Dekedda Berbera ee dalka la jaarka ah ee Somaliland.

“Afrika waxaa ku yaala toddoba iyo toban (17) dal oo aan bad lahayn, kuwaas kuwa ka midka ah ee ku yaal Qaaradda dhinaceega Bari (Bariga Afrika) waxay fursad u haystaan in ka yar inta haystaan kuwa galbeedka Qaaradda Afrika ku yaal oo ah dekedo baahidooda daboola,” ayuu yidhi Abu-Bakar Cumar isagoo sharxaya baahida loo qabo in la helo dekeddo horumarsan oo la mid ah kuwa Djibouti.

“Dekedda Sudan (Port Sudan) oo ku taal waqooyiga Mandaqadda Geeska Afrika iyo Mombassa oo ku taal Koonfurta Mandaqaddan, waxa u dhaxay qiyaas ahaan xeeb dhererkeedu dhan yahay Lix kun (6000) oo Kilo Mitir, qiyaasta intaas le’eg ee Xeebta ah dekedda Djibouti, ayaa ku keliyaysatay inay tahay ta ugu weyn ee casri ah,” ayuu weriyuhu warbixintiisa ku yidhi.

Hase yeeshee Maareeyaha Dekedaha Djibouti, Abu-Bakar Cumar oo tafaasiil ka bixinaya tartanka dhinaca dekedaha ee mandaqadda, ayaa waxa uu yidhi: “Hadda ma jiro Tartan, sidaas darteedna waxaa maqlaysaa dadka oo hadal-haya Djibouti ayaa kooto ku haysata. Arrintaasi maaha mid xaqiiqo ah, oo xataa waxay dekeddayadu adeeg u samaysaa waddamo dekedo leh, laakiin marka ay meesha yimaadaan fursado dekedo kale ahi, waxay samayn kari doonaan is-barbardhig iyo inay tixgelin siin doonaan heerka dhinaca adeegayagu uu gaadhsiisan yahay.”

La soco qaybo kale oo warbixintan oo Afka Ingiriisiga ku qornayd oo aanu Soomaali idiinku soo turjunay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.