Habeenkii Salaasadda ayaa cilmi falaga dunidu is badal dayaxu la soo baxay, ka wada waramayeen, waxaana kamaradaha iyo wax kasta oo lagu arki karo loo wada jeediyay cirka si dayaxa afar iyo tobnaadka ah ee soo baxaya loo wada arko.
Xataa Somaliland ayaa ka madhnayn, waxaana magaalada Hargeysa aad loogala socday dhacdadan, iyadoo Sawir Qaadaha reer Somaliland, Yuusuf Daahir uu ka mid ahaa dadkii sida weyn ula socday, isla markaana Sawiro cajiib ah habeenkaas ka qaaday isbedelka Dayaxa.
Sababta dunidu ugu wada mashquushay dayaxa ayaa la xidhiidha, dhacdo cilmi falagu ka warameen oo ah, in muddo lix iyo lixdan sanadood ah, uu dayaxii ugu waynaa soo bixi doono, kaas oo noqon doona mid intii caadiga ahayd ee dhulka laga arki jiray ka wayn boqolkiiba afar iyo toban. Kana nuur badan boqolkiiba sodon.
Haddaba waa maxay sababta dayaxu uga waynaaday intiisi caadiga ahayd, ugana nuurka badnaaday? Sida kooxaha cilmi falagu sheegeen, dayaxa ayaa habeenkii xalay maray, godka ugu dhow dhulka, taas oo ay ugu danbaysay sanadkii 1948-kii.
Mar kasta oo uu dayaxu ka soo baxo godka uu xalay maray waxa uu noqdaa mid boqolkiiba afar iyo toban ka wayn intiisa caadiyan aynu wakhtiyada kale ku aragno, waxaanu yeeshaa iftiin ka badan ka aalaba xiliyada kale dhulku ka helo.
Sanadkii 1948-kii ayay ahayd markii ugu danbaysay ee dayaxu god la mid ah kii uu xalay degay oo kale ka soo baxo, waxaana xiga sida ay sadaalinayaan sanadka 2038-ka.
In kastoo aynu caadiyan dayaxa u aragno ama uu muuqaal ahaan inoo yahay, mid isku mid ah, haddana waxa ay culimada falaga ee isku hawlaa sheegaan inuu wajiyo kala duwan leeyahay, godad kala gadisana leeyahay, kuwaas oo marba nooc ka dhiga midabkiisa iyo iftiinkiisa sida loo gartaana ay ku adag tahay dadka magaalooyinka inta badan ku nool.