Faaqidaad: Xeerar Hore Loo Walaaqay & Mad-madowga Nidaamka Isu Gudbinta Shuruucda Labada Gole

Xildhibaanku Gacanta Ma U Taagi Karaan Xeer Aan Ahayn Ka Uu Is Leeyahay Waad Ansixisay? Ma Jiraa Xeer Hoosaad Labada Gole Isugu Tabiyaan Mashruuca Sharci?

0
49
PropellerAds

Todobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa Somaliland ka taagnaa khilaaf mucaarad iyo muxaafid u kala saaray Xildhibaanadda Golayaasha Baarlamaanka, murankani waxaa uu salka ku hayaa danno siyaasiyadeed. Balse, waxaa loo marayaa oo la isku hayaa marka la doodayo, wax ka badalka iyo Kaabis  lagu sameeyay Xeerka Diiwaan galinta Codbixiyeyaasha Xeer No:37/2007.

Xeerkan waxaa ku kala qabsan laba kooxood oo la kala safan Xisbiga Waddani oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbigaas ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) iyo Xildhibaano muxaafid ah oo dhabarka ku haya difaacayana Xukuummada uu hoggaaminayo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waxaana la isku hayaa oo ay ku doodayaan muxaafadku, guddoomiyaha Wakiilladu isaga oo awoodiisa uga faa’iidaynaya xisbigiisa Waddani ama taageerayaashu ay taas niyadda ku hayaan ayay gudbiyeen Xeer la maydhaamay oo aan ahayn kii diiwaangalinta ee Goluhu Ansixiyay iyo halka dhinaca kale taaganyahay ma ahee kii aad u codayseen hadduu xunyahay iyo haddii kalleba ayaan gudbiyay.

Waxaa markaas dadku ku jaha wareeray labadan dhinac kee run sheegaya? Nidaamka xeerku maraase ma saamixi karaa in la Dhogor gurro oo wax lagu darsado Xeer la ansixiyay? Hore ma u dhacday oo ma la arkay ama wax ma ka soo noqdeen Xeerar ka baxay golaha?

Iyo su’aalo badan oo kale…Labada garab ee arrimahan isku hayaa midkoodna jawaabta saxda ah marka la weydiiyo su’aalahan kama bixinayo waxaana uu doodiisa ku salaynayaa dantiisa.

Marka ay sidaas tahayna waxaa ay u baahan tahay waxaa ay noqonaysaa bal in la raadiyo si kale oo loo furdaamin karro arrintan, faaqidaadeenuna waxaa ay diirada saaraysaa oo jawaabo u raadinaysaa qodobkan. Si aynu u soo dhiraandhirino haddaba oo u helli karro natiijo sax ah aynu dib u yarra raacno khilaafkan laftiisa bilowgiisii iyo xeerarkii ka horeeyay labadaba.

Goorma ayuu khilaafku dhashay

Doodaha la xidhiidha diiwaan galinta codbixiyayaasha doorashada iyo diiwaan galinta madaniga ahi waa ay soo taxnaayeen muddoba oo hore Somaliland diiwaan galini waa uga dhacday waana la laalay. laakiin, Saddexda xisbi ee maanta jira haddii aynu eegno qudhoodda waxaa aynu xussi karaa in Bishii June ee 2013 ay iyagga iyo Komishankii doorashanku dalbadeen in bulshada caalamku ka taageerto labadan diiwaan galinood. Iyaddoo bishii sagaalaadna laga gaadhay arrintaasi hashiis ay qaadhaan bixiyayaashu goob joog ka yihiin oo is boggaadintiisu socotay illaa dhamaadkii sanadkaasi. Haddana wax baa ka soo noqday goor danbe oo buuq baa ka aloosmay iyaddoo xisbiyadda mucaaradka ahi ku doodeen in xukuumaddu isku dab-rayso labada xeer ee diiwaan galinta madaniga ah iyo kan codbixiyayaasha. Halka Xukuumaduna ku dooday in Mucaaradku hor taagan yahay diiwaan galintii madaniga ahayd.

Waxay ahayd xaqiiqo jirta in aan mucaarad iyo muxaafad toona laga hadlayn danta ay tahay in muhiimadda koowaad la siiyo oo ah in xeerarka iyo qaranka faa’iidada ama faa’iido darada ugu jirta laga hadlo, ee dhan waliba waxaa uu ka eegayay xeerkan danihiisa siyaasiga ah. Waa la heshiiyaa haddana waa la kala baxaa tiraba laba saddex jeer ayaana wax la wadda saxeexday. Ugu danbeyntiina waxaa khilaafkan cakirani dibada u soo baxay markii Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan dhigiisa Wakiillada u soo gudbiyay 16/10/2014 dhanbaal u ku tilmaamay in Xeerka diiwaangalinta codbixiyayaashu yahay mid ka duwan kii Golaha Wakiilladu ansixiyay. In kasta oo aanu ka garaabin Guddoomiye Cirro.

Laba Qoraal ayayna is dhaafsadeen labada Guddoomiye aan ku horeyno Ka  Guddoomiye Saleebaan, waxaana uu ku yidhi qoraalkiisa.“Xeerka Wax ka badalka iyo Kaabista Xeer No:37/2007 ee aad Golaha u soo gudbiseen kuna lifaaqan halkan iyo kii golaha laga ansixiyay farqi ayaa u dhaxeeya, sida ku cad qodobada todobaad, faqradiisa 2-aad, 25-aad iyo 26-aad. Sidaas daraadeed waxaan idinka codsanayaa in aad is waafajisaan soona gudbisaan nuqul rasmi ah, oo ah kii golaha ka ansaxay.”

Guddoomiye Cirrona waxaa uu kaga hal celiyay Qoraal uu u diray 18/10/2014, waxaanu ku yidhi “Ujeedo: Wax kabadalka iyo Kaabista Xeerka Diiwaan galinta Codbixiyeyaasha Xeer No:37/2007. Tixraaca, qodobka 7-aad iyo 8-aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, waxaa uu Golaha Guurtidu xaq u leeyahay marka Golaha Wakiiladu u gudbiyo mashruuc sharci in uu ogalaado,wax ka badalo, ama diido, iyada oo la eegayo wada shaqaynta Labada Gole iyo nidaamka loo raaco Mashruuc sharci. Waxaan codsanayaa in nidaamka sharciga loo raaco mashruuc sharci.

Sidaas darteed,waxaan Mudane guddoomiye halkan aan kuugu soo lifaaqayaa warqadii iyo lifaaqii aad Golaha u soo gudbisay wada shaqayn wacan.”

Marka ay halkaas taagantahay, toos uguma garqaadi karno, sababtoo ah labadan masuul iskuma hayaan in xeerarka kaabis iyo wax ka bedelba sifo sharci ah loogu sameeyo. Balse, waxaa meesha ka muuqda duur-xul. Haa, Ilaa haddana laba arragtiyood uun baa la kala taaganyahay marka la eego biya dhaca doodihii cirka la isla maray ee  Xildhibaanada arrintan ka hadlay ilaa hadda. Waxana faaqidaadu u baahanaysaa in la jaleeco dhinaca kale. “Had iyo jeer marka mashruuc sharci laga doodo ee Goluhu ka doodo waxaa hadal qoraalka Waafajiya xeerka qabyadda ah oo ka shaqeeya shaqaalaha golaha, dabadeed waxaa ay u gudbiyaan Xoghayaha golaha Wakiillada,  Guddoomiyuhuna markaas ka dib ayuu Mudanayaasha inta uu qodobadii la taabtay u akhriyo ayaa loo codeeyaa. haddii uu sidaas ku ansaxo ma jiro mudane qodob qodob u qeexi karra Xeerkaas uu ansixiyay sifaha guud mooyaane. Waanay dhacday oo xattaa xiligayaggii (Golihii kan ka horeeyay ee Wakiillada), waxaa jiray xeerar badan oo markii danbe la tuhmay in cid dan gaar ah lihi qodobo gaar ah si gaar ah u dhigtay, iyaddoo kaashanaysa cida Qoraalkii oo Softe ah oo Kombuyuutarka ku jira ee aan la daabicin gacanta ku haysa, gaar ahaan xoghaymaha.” Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah siyaasiyiinta hore Golaha Wakiillada uga soo mid noqday oo Wargeyska Saxafi la kulmay intii uu baadhistan ku jiray.

Sidoo kale, mudanayaasha hore ee aanu wax weydiinay oo aan labadan dhinac midna ahayn qaarkood ayaa farta ku fiiqay Xeerar ka fullay golayaasha sharci dajinta oo golayaashana ku soo noqday marar kala duwan, balse haatan laba nuqul oo nuxur ahaan aad u kala duwani suuqa ku jiraan. Iyaggoo tusaale u soo qaatay Xeerka Nidaamka Garsoorka.

Nidaamka loogu codeeyo xeerasha laftooda ayaa wax ka qaldan yihiin, waxa ay ahayd in xeerka qodob-qodob loogu codeeyo, dabadeedna xeerka oo dhan loo codeeyo, qodobkii cod waayana xeerka laga saaro sida uu dhigayo xeer-hoosaadka Golaha Wakiilladu, balse ma dhacdo sida badan in xeerka qodob-qodob loogu codeeyo, ee badiyaa duuduub ayaa loogu codeeyaa.

Marka hadaba, laga tago kan diiwaan galinta danta laga leeyahay ee xaqiiqda la abaaro waxaa soo baxaysa in jidka xeerku sii marayo aan si weyn loo qodax tirin oo aan xildhibaanadda laftoodu wax xil ah oo badan iska saarin xeerarka billaa Caanaha ah, illaa waqtigii UDUB-na ay taagnayd cabashadda shuruuc lagu feegaray oo haddana ay adkaatay in la qeexo sidda iyo cidda wax is daba-marisay. Sidaas darteed, waxaa muhmalku ku jiraa oo ay tahay inta aan qodobo la maydhaamay laga doodin in la saxo jidka xeerku raacayo miisaankeedda iyo haddii wax ka soo noqdaan cidda ay tahay in loo raaco xattaa eray bixinta.

Waxa iyaduna xusid mudan marka laga tago Dastuurka Qaranka oo qeexaya hab-raaca la iskugu gudbiyo xeerasha labada gole dhex maraya, in aanay jirin wax xeer hoosaad ah oo u dhexeeya labada Gole oo arintan xalin lahayd. Waxa iyadna is weydiin mudan haddii xeer ama xeerar ay ansixiyeen labada Gole lagu daro ama laga jaro qodobo ku jirey sidaana ay ku soo baxaan, maxay u dhimi kartaa sharciyada xeerka?. Isku soo wada duuboo waxa meesha ka cad in ka sakow xeerkan siyaasadeysan uu jiro dayac iyo qabyo badan oo ku jirta nidaamka xeer dajineed ee uu maro xeerku oo loo baahanyahay In Gurmad loo dhan yahay laga gallo inta aan ummada lagu xijiin arrimo guudmar ah oo aan guntoodda xattaa kuwa ka hadlayaa u daadegin.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.