WorldRemitAds
Washington, USA, December 11, 2015 (Saxafi) – Feedhyahankii ama Hoggaamiyihii hore ee feedhka Miisaanka Culus Maxamed Cali ayaa naqdiyay hadalo ka soo yeedhay murashaxa madaxtooyadda ee Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.

Maxamed Cali ayaa sidoo kale weeraray dhaqanka kooxaha sheegta Muslimka ee dadka laaya. “Maaha in magaca Islaamka la isticmaalo si loo horumariyo ajandayaal shakhsi gaar u leeyahay. ” Ayuu yidhi isaga oo la hadlaya musharaxa Jamhuuriga ee Donald Trump. “Waxaan ahay Muslim, waxbana kama jiraan, sheegashooyinka magac dilka ah ee tilmaamaya in dad magacan sitaa dad aan waxba galabsan ku laayeen Paris, San Bernardino, ama meel kale oo adduunka ah.”
Maxamed CaliWar saxaafadeedka uu soo saaray Maxamed Cali ee uu kaga jawaabay dhawaaqa murshaxa Jamhuuriga ee ahaa in Laga mabnuuco Maraykanka dadka Muslimiinta ah ee galaya. Waxaana uu yidhi isaga oo aan mar kali ah xusin magaca murashaxan. “Waxaan ka soo horjeednaa Islaam ahaan oo u kacaynaa, kuwa doonaya magaca Muslimiinta inay isticmaalaan si ay u horumariyaan ajandayaal u gaar ah,” ayuu yidhi Cali.
Hadalkan Feedhyahanka oo saddex maalmood uun ka danbeeyay hadal ka soo yeedhay murshaxa Trump qoraal uu ku baahiyay bogiisa Twitterka oo uu ku sheegay in uu la kulmay Maxamed Cali dhowr jeer, balse aanu marna u yeedhan doonin ciyaartoy caan ah. “Annigu waxaan ahay muslim, mana aha in qof arxan darran loogu yeedho Muslim,” ayuu yidhi Maxamed Cali.
Isaga oo ka hadlaya ama duraya siyaasigan, waxaa uu mar kale sheegay in aan la dhagaysan qof aan loogu baran weligii aragti saxan oo siyaasadeed. Tan badalkeeda waxaa uu u soo jeediyay hoggaamiyayaasha Maraykanka inay saxaan aragtida khaldan ee laga bixinayo Muslimiinta.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.