WorldRemitAds
Nairobi, Kenya, December 7, 2015 (Saxafi) – General Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) ayaa mar kale u soo hanjabay Somaliland, isagoo farriin dagaal ah soo mariyay munaasibad ay qabsadeen taageerayaasha kooxda la baxday Khaatumo.

Moorgan oo ahaa taliyihii Waqooyi galbeed(Somaliland) ee wakhtigii dawladii Siyaad Barre, islamarkaana ku eedaysan qayb ka mid ah masuuliyadda gumaadkii loo geystay shacabka Somaliland sanadihii sideetamaadkii ilaa sagaashanaddii oo uu ahaa Taliyihii Qaybta 26-aad ee fadhigeedu ahaa Hargeysa Waqtigii Dawladii Milatariga ahayd ee Siyaad Barre ayaa waxaa uu soo diray hanjabaad hor leh oo ka dhan ah Somaliland isaga oo khudbad ka jeediyay xaflad ay koox reer Somaliland ah oo diidan Qarannimadda dalku ku qabsatay magaalada Nayrobi ee xarunta dalka Kenya.
Moorgan“Colaad baa mar walba ka aloosan Buuhoodle, Somaliland waxaan leeyahay, Khaatumo waxa ay u taagan tahay oo ay ku baaqday midnimadda Soomaaliyeed, markaa waa in Somaliland Ixtiraamto xuduudaha, inay ixtiraamto maamulka cusub ee Khaatumo, inay ictiraamto nabadgalyadda inay weerarada joogtada ah ka dayso, hadday ka dayn weydo waxaan leenahay ninkii na gardaraysta waa iska celinaynaa, ninkii nabad na siiya nabad ayaan siinaynaa,” ayuu yidhi Moorgan.
Jeneraal Moorgan, ayaa ka mid ah raggii ka qayb-qaatay Xasuuqii lagula kacay dadka reer Somaliland sideetameeyadii, isla markaana waxa uu ka mid yahay ragga ugu horeeya liiska gacan-ku-dhiigleyaasha goor ay noqotaba maxkamadda dambiyada adduunka la horgeyn doono.
SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.