WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 7, 2015 (Saxafi) – Guddidii dhowaan uu Madaxweyne Axmed Siillaanyo u saaray hubinta liiska golaha dhexe ee Kulmiye, ayaa maanta soo saaray natiijada baadhis ay sheegeen inay muddo shan maalmood ah sameeyee, kuwaas oo sheegay in ay si daacadnimo leh oo xaqiiq ku salaysan ay u baadheen isla markaana go’aan uga qaateen hawshii Madaxweynuhu u igmaday.

guddidii khilaafka KULMIYEGuddidan ayaa waxay ku dhawaaqeen go’aan afar qodob ka kooban, kaas oo uu ku dhawaaqay Cabdikariin Xinif oo xubin ka ahaa guddida, wuxuuna yidhi “Guddidu waxay soo saartay go’aankan hoos ku qoran:

  1. In habayaraatii liiska asalka ah ee 241-ka ah ee golaha dhexe aanay magacyadooda iyo sawirradooda wax khalad ah iyo wax isdaba marin ah midna aanay ku jirin;
  2.  Waxa kale oo aanu go’aaminay in xildhibaan Maxamuud Ismaaciil Bade, Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise, XIldhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Xildhibaan Ibraahin Maxamed Haybe, Wasiir Cali Sandulle iyo wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo xubno kale isku bedelay, maadaama la raacayo liiska golaha dhexe ee yaala xafiiska xeer ilaalinta, Komishanka…inay xubin waliba sideedii kaga mid ahaato golaha dhexe laguna bedeli karrin sidaasna ay shirka ku fadhiistaan kuna dhammaystaan, taas macnaheedu waxa weeye isku bedelkaas waanu diidnay.
  3. Xubnaha kala ah Maxamed Axmed Aadan(Wali Xaawa), Maxamed Carraale Duur iyo sheikh Maxamuud Xirsi oo geeriyooday Alle ha u naxariistee in iyagana jagadoodu sidaas ku bannaanaato.
  4. In Xasan Nuur Abokor oo bedelay Cabdikariin Baande iyo Cabdillaahi Awdaan Maxamed oo bedelay Maxamed Yoonis Cawaale loo ogolaado inay ka qayb galaan shirka golaha dhexe, loona sameeyo kaadhadhka xubinnimada maadaama qaabka loo soo bedelay waafaqsan yahay xeerka xisbiga Kulmiye.”

Halkan ka daawo Wasiir Cadami:

SomlegalAds

Halkan ka daawo Xinif oo ku dhawaaqaya Go’aamada Guddida:

Dhinaca kale, Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddida, sheegayna inay aqbaleen, sida lagu sheegay war-saxaafadeed goor dhawayd uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Xisbiga Xasan Siciid, kaas oo u qornaa sidan:

“Hoggaanka xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay maanta soo saartay guddigii Madaxweynuhu u magacaabay hubinta liiska xubnaha golaha dhexe iyo hawsha diinwaagelintooda ka qaybgalka shirka Golaha Dhexe ee xisbiga, go’aankaas oo guddigu ku caddeeyeen in aanay haba yaraatee wax musuqmaasuq iyo isdabamarin ahi toona ku jirin liiska golaha dhexe, isla markaana sida loo diiwaangeliyey tahay hab sax ah.

Go’aankani waxa uu meesha ka saaray tuhunkii iyo eedayntii qaar ka mid ah murrashaxiinta xisbigu ay kaga cawdeen inuu ka jiro liiska xubnaha golaha dhexe iyo inuu cid gaar ah u afduubanyahay. Sidaasi darteed, waxa uu xisbigu si buuxda ugu qanacsan yahay go’aankaas guddigu soo saartay.

Dhinaca kale, shirka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo hawlihiisa qabanqaabado gobogabo yihiin waxa uu si rasmi ugu qabsoomayaa xilligii loo qorsheeyey oo ah maalinta Salaasadda ee taariikhdu tahay 10-ka bisha November 2015, saacaddu markay 7:30 subaxnimo, goobtuna tahay huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Mar kale waxa lagu wargelinayaa xubnaha golaha dhexe ee aan weli isdiiwaangelin inay si degdeg ah u yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga si ay uga qaataan kaadhadhka aqoonsigooda intaannu waqtigu ka dhicin, halka xubnaha hore isu diiwaangeliyeyna loo sheegayo inay kaadhadhkooda ergaynimada ka qaadan doonaan xarunta xisbiga gelinka dambe ee maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 9-ka bishan November.”

Hase yeeshee garabkii Isbahaysiga Murashaxiinta Maxamed Biixi, Cabdicasiis Samaale, Axmed Kijaandhe iyo Cabdiraxmaan Dheere oo iyagu hore u daadefeeyay guddidan, ayaa weli ka hadal, iyagoo hore u sheegay in aanay dhexdhexaad ka noqon karin arrimaha khilaafku ka taagan yahay, maadaama ay xubnaha guddidaasi yihiin kuwo marka horeba digreeto Madaxweyne ku magacaaban, waxyaabahaha ay ka cabanayaana uu Madaxweynuhu qayb ka yahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.