WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 8, 2015 (Saxafi) – Wasiirka cusub ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane iyo wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaraddaasi Yuusuf Cismaan Garas, ayaa shalay xilalkii kala wareegay masuulyiintii hore ee xilalkaa hayey.

Munaasibada xilalka lagula kala wareegay oo ka qabsoontay Hudheelka Safaari, waxa ka qayb-galay Madaxda Waaxyaha kala duwan ee Wasaarada, Madaxdhaqameedyo, aqoonyahano, odayaasha bahda Waxbarashada.

vlcsnap-2015-11-08-00h25m37s381Wasiirkii hore ee Wasaaradaas, Prof. Faarax Cilmi Geedoole oo halkaa khudbad dheer ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday waxqabadkii ay wasaaraddu samaysay intii uu joogay, waxaanu sheegay inay xoogga saareen sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa Manhajka waxbarasho ee dalka, kaasoo sida uu sheegay iminka meel wanaagsan maraya.

SomlegalAds

GeedooleInta badan Masuuliyiintii munaasibada ka hadlay, ayaa amaan balaadhan u jeediyey Wasiirka xilka wareejiyey oo ay ku tilmaameen shakhsiyad u darbanayd hagida Siyaasada Wasaaradda, iyo taabo gelinta waxqabad dhaxal gal noqda.

Wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane iyo wasiir ku-xigeenka Yuusuf Cismaan garas oo madashaasi kelmado ka jeediyay ayaa tilmaamo ka bixiyey qorsheyaasha cusub ee siyaasad ahaan wasaaraddan ku hagi doonaan, iyaga oo xusay inay wada shaqeyn fiican iyo tilmaamaba ka filayaan madaxda iyo waaxyaha kala duwan ee wasaaradda. wasiir Prof. Cabdilaahi Ibraahin habane oo ka hadlayana waxa uu yidhi’ “bahideenu maanta waxa weeyi inaynu sii joogtayno dedaalka iyo wixii horumar la sameeyay iyo wixii mustaqbalkana aanu odoroosno. Waa inaanu seeska u dhignaa wixii qabyo ahaa sidii loo dhamaystiri lahaa iyo sidii inta naga dambaysaa ay usii raaci lahayd nidaam iyo wax dhigan ay usii raaci lahayd. Maanta waxaynu joognaa xiligii la tayayn lahaa, waxaynu dersi doonaan oonu deraasad ku samayn doonaa dugsiyada dhexe ee aynu ka dhignay bilaash (Free), maxaa ka yimiday ee ka dambeeyay” sidaas ayuu yidhi wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare prof. Habane.

C.laahi-Ibraahin-HabaneWaxa isna sidoo kale ka hadaly wasiir ku-xigeenka wasaaraddaasi Yuusuf Cismaan Garas oo xusay inuu hore ula soo shaqeeyay wasiirkii xilka lagala wareegayay ee Prof. Geedoole, kaas oo uu mr Garas sheegay inay markii uu wasiirka ka ahaa wasaaradda beeraha, uu isna xafiiska mashaariicda qaybinta raashinka dawladda ka ahaa maareeyihii wakhtigaas “wasiir Geedoole maaha maanta nimaan meel ku kulanay oo wasaaradda uu kasii socdo aan soo galay mudddadii uu joogay wasaaradda beeraha labadii sanno ee ugu dambeeyay, koley waxa uu ahaa qof aanu wadashaqayn dhaw lahayn, waxa aanan ka mid ahaa xafiisyadii ku dhexyaalay wasaaraddaasi, oo waxaan ahaa maareeyihii hay’adda raashinka dawladda oo madaxweynuhu ii magacaabay 2012-kii” ayuu yidhi wasiir Garas

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.