WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, February 15, 2016 (Saxafi) – Hawsha Diiwaangelinta gobolka Awdal ayaa la sheegayaa inay badi si wanaagsan uga socdaan degmooyinka iyo tuullooyinka hoos yimaadda afarta degmo ee gobolku ka kooban-yahay in kastoo goobaha qaar shalay laga soo sheegayo in  cilado farsamo ku yimaaddeen qalabkii ka shaqaynayay goobahaasi.

Diiwaangelinta oo gashay maalintii sadexaad ayaa waxa isa soo taraya  dadweynaha oo safafa dhaadheer ugu jira siday u qaadan lahaayeen kaadhka codbixinta, waxana badi lag soo sheegayaa goobahaasi inaanay  weli ka dhicin amaandarro wax u dhimi karta habsami u socodka  hawshaasi.
Dhinaca kale, oday dhaqameedyo ka soo jeeda Deegaanka Cali Xaydh  ee gobolka Awdal ayaa waxay warbaahinta maxalliga ah u sheegeen in  goob ku taalla tuuladaasi uu shalay abbaare 10:30 cilado farsamo fadhiisiyeen serverkii halkaa u yaallay diiwaangelinta.
Caaqil Axmed Carab oo ah Haydh tuulaha Cali Xaydh oo warbaahinta Boorama kala soo hadlay isagoo ku sugan Cali Xaydh, ayaa sheegay in  dhulkan buuraleyda ah aanu serverkaasi u shaqaynin sida uu uga shaqaynayo dhulka kale ee bannaanka ah marka lagu daro Internetka, sidaa darteedna loo baahan-yahay in lagu soo xoojiyo farsamo yaqaanada hawshaasi wax ka qaban kara.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.