WorldRemitAds
Washington, Maraykanka, February 15, 2016 (Saxafi) – Muran Xoog leh ayaa ka dhex Qarxay Madaxweynaha Mareykanka, Barack H. Obama iyo musharraxiinta Xisbiga Jamhuuriga ah ee Mareykanka, kaddib markii uu Geeriyooday Xaakim muddo Fog ka Tirsanaa Xaakimiinta Maxkamadda ugu Sarreysa Dalka Mareykanka.

Antonin Scalia oo 79-sano jir ahaa, ayaa si weyn u diidanaa Dumarka ilmaha iska soo rida iyo Dadka isku Jinsiga ah ee isku Galmooda. Waxayna Geeridiisan ay ka dhigan tahay in Muxaafidiinta Wadanka Mareykanka oo uu ka mid yahay xisbiga Jamhuurigu ay lumiyeen Aqlabiyaddii ay ku lahaayeen Maxkamadda Mareykanka ugu sarreysa.
Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay inuu Fulinayo Mas’uuliyadda Dastuuriga ah ee saaran, uuna u magacaabayo Xaakimkii bedeli lahaa Antonin Scalia, laakiin Murashaxiinta Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku baaqay in Magacaabidda Xaakimka cusub dib loo dhigo, illaa ay ka dhacayso Doorashada Madaxnimo ee November dhici doonta.
Sidoo kale, Obama ayaa la filayaa inuu diidmo adag kala kulmo xubnaha Aqalka Senate-ka Mareykanka oo ay Hadda u badan yihiin Xubnaha Jamhuuriga ah, kaas oo laga doonayo in uu Ansixiyo Xaakimka uu Madaxweynuhu u magacaabayo xilkaas.
Xaakimka geeriyooday, Antonin Scalia ayaa waxaa loo Magacaabay inuu noqdo Xaakimka Maxkamadda Sare ee Dalka Mareykanka Sannadkii 1986-kii, waxaana xilka u magacaabay Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Ronald Reagan.
Dhinaca kale, Antonin Scalia oo ay iska dhaleen Hooyo Mareykan ah iyo Aabbe Talyaaniga ka soo jeeda ayaa wuxuu noqonayaa Garsoorihii ugu horreeyay oo Italian-American ah oo loo magacaabo Xaakimka Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka.
Jagooyinkii kale ee uu Xaakimkaan hore u soo Qabtay, ayaa waxay kala ahaayeen iyadoo Madaxweynihii hore ee Mareykanka Richard Nixon uu u Magacaabay Sannadkii 1971-kii la-taliyihii isgaadhsiinta xafiiskiisa. Waxaana sidoo kale Reagan uu u magacaabay garsooraha Maxkamadda Degmada Columbia, Missouri, Jagadaasoo uu hayay illaa looga Magacaabay Xaakimka maxkamadda sare sannadkii 1986-kii.
Ugu dambeyn, Sclaia oo ay u dhaxday Maureen McCarthy oo 48-jir ah ayaa ifka kaga tagay Sagaal Carruur ah oo uu dhalay iyo 28 Carruur ah oo ay  sii dhaleen oo uu Awoowe u ahaa, kuwaasoo dhammaantood ku nool dalka Mareykanka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.