WorldRemitAds
Kampala, Uganda, February 15, 2016 (Saxafi) – Markii ugu horeysay ayaa dood adag dhex martay musharaxiinta u tartamaya madaxweynenimadda dalkaasi, taas oo uu muddo dheer xukumayey madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni.

Sideed musharax oo mid ka mid ahi haweenay tahay aya doodda kulul oo intoodda badan ku saabsanayd ciidamadda Ungandha ee Soomaaliya nabad ilaalinta u joogo oo intoodda badani diidanaayeen inay sii joogaan dalkaasi.
Murashaxiintan oo dooddoodu ka baxaysay Telefisihinka ayaa ahayd middii ugu horreysay oo uu ka qaybgalo madaxweynaha hadda xilka haya, Yoweri Museveni, waxaana dooddan ay murashaxiintu yeesheen diiradda lagu saaray siyaasadda gudaha iyo tan dibadda dalka Uganda.
Hoggaamiyaha Axsaabta Mucaaradka ugu weyn, Jen. Kizza Besigye oo ah nin ay aad isku hayaan madaxweyne Museveni ayaa ka hadlay ciidamada Uganda ee ku sugan Somalia, isagoo sheegay inuu soo dhaweynayo inay howlo nabad-ilaalin ah loogu diro Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Xaaladaha Nabad-galyo Xumada ah ee Somalia ka jira ay yihiin kuwo ka dhashay hoggaan-xumada madaxda dowladda Somalia iyo siyaasiyiinta kale.
‘‘Aniga Waxay ila tahay in nabad-galyo darrada Somalia ka jira ay tahay mid ka dhalatay siyaasad-xumada jirta, marka haddii aad isku daydo inaad taageero iyadoo siyaasaddu ay tahay mid aan wanaagsanayn, waxay noqon kartaa mas’uuliyad-darro aad sameysay,” ayuu yidhi Kizza Besigye.
Dhanka kale, Murashaxa kale ee ugu awoodda badan mucaaradka Benan Braro oo isagana awood badan leh ayaa kula taliyay Soomaalida in aanay ka sugin in wadankooda ay u dhisto Uganda, balse ay ogaadaan in iyaga looga baahan yahay inay dalkooda dhistaan.
‘‘Kaalinta Cidanka AMISOM ee Somalia ku sugan waa inay abuuraan Jawi ay Somaalidu Dalkooda ku dhisan karaan; balse ma garanayo waqti cayiman oo aan Ciidamadeenna kala soo bixi karno Somalia,” ayuu yidhi Braro.
Ugu dambeyn, Doorashada Madaxnimo ee dalka Uganda ayaa waxay dhacaysaa Khamiista nagu soo fool leh, iyadoo doorashadan ay noqonayso tii ugu adkeyd ee soo marta Uganda; isla markaana ay jiraan baqdin laga qabo inay ka dhshaan rabshado iyo gacan ka hadal.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.