WorldRemitAds
Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa la sheegay, in dakhliga sanadlaha ah ee soo galaa, noqon doono mid suura gal uga dhigi doona inuu nolol wacan isaga iyo qoyskiisu ku dhaqnadaan, waxaana sida xogihii ugu danbeeyay tilmaamayaan uu sanad walba heli doonaa ilaa shan milyan oo dollar lacag lagu qiyaasay.

Warbixin warbaahintu ka diyaarisay ayaa lagu bayaamiyay, ilo dhaqaaleedyo kala duwan oo uu madaxweynuhu ka kasban doono lacago kala duwan, waxaana meelaha lacagtu uga soo xeroonayso ka mid ah, buugaag sheekooyinka carruurta ah oo uu dhawaan qoray Obama, kuwaas oo aad loo iibsaday, sida la sheegayna ku dhawaad shan kun oo dollar maalintii uga soo xeroon doonto, taas o marka la isku geeyo dhawr milyan sanadkii noqonaysa.
Waxa kale oo uu madaxweyne Obama lacag badan ka helay kirada gurigiisa uu ku leeyahay magaalada Chicago, kaas oo bishii shan kun oo dollar lagaga kiraystay, muddo sodon sanadood ahna heshiis lagula galay, waxaanu ka heli doonaa sida la sheegay lacag ilaa shan milyan oo dollar gaadhaysa.
Madaxweynayaasha Maraykanka oo marka ay xilka ka degaan, sanadkii mushaharka hawl gabka u qaata aduun lacageed oo dhan afar boqol oo kun, waxa ay Obama u kordhin doontaa dakhligiisaa kala duwan ee ilaha kala gadisan uga soo xerooda, taas oo sida Sky News ku warantay marka la isku cel celiyo, lagu qiyaasay sanadkii inay gaadhi doonto ilaa todoba milyan in dakhligiisu noqdo.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle oo iyaga laftoodu sanadkii aynu ka soo gudubnay ka hadlay, dakhligooda ayaa sheegay in ay ku qiyaasayaan in ilaa shan milyan u xaasil garoobayaan, marka laga jaro cashuuraha sida wararku sheegayaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.