WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, December 1, 2018 (Saxafi) – Dawlada Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay, isla markaana muujisay inay doonayso in mar kale la bilaabo wadda hadalkii u dhaxeeyey xukuumadda Somaliland.

Shir ay yeesheen golaha wasiirada dawladda Somalia ayaa la wariyay in la iskula qaatay hadal loogu yeedhay in  la dardar galiyo wadda hadalkii u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia, iyada oo dawlada Muqdisho ay soo bandhigtay ujeedada ay ka leedahay dardar gelinta wadda hadalkaas oo u muuqda in aan la wada hadal oo ka hor jeedda shuruuddii xukuumadda Somaliland ku xidhay wadda hadalka ee ahayd in dawladda Somalia marka hore aqbasho xaqa shacabka Somaliland u leeyihiin inay ka tashadaan aayahoodda iyo inay aqbalaan dawlad nimada Somaliland.

SomlegalAds

Hadalka hore.

 


“Waxaan Ballan Idiinku Qaadnay Idinkoo Yimaadda Ama Xornimadayada Ogolaada Mooyaane In Aynaan Wadahadal” Madaxweynaha Somaliland


Madaxweynaha Somaliland Md, Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga falceliyey gardarro uu tilmaamay in maamulka Muqdisho ku hayo Somaliland waqti uu ku guda jiray socdaalkiisa goboladda bari ee uu saaka ka soo laabtay toban cisho ka hor. waxanu hoosta ka xarriiqay inaanay bulshada reer Somaliland marnaba qaadan doonin wax ay u yeedhiyaan shakhsiyaad si gaar ah isugu bahaystay.

Madaxweyne Muuse waxa uu sheegay inaan Somaliland wax wada hadal ah la galayn dalka Soomaaliya illaa ay ogolanayaan Madaxbannaanida Somaliland, waxaanu yidhi “Innamada Xamar ee shalay jamciyadda quruumaha ka soo hadal qaadayay Somaliland ee lahaa waa in nala la qabtaa waxaan ballan idiinku qaadnay idinkoo yimaadda ama xornimadayada ogolaada mooyaane in aynaan wadahadal, wadahal baad sheegaysaane aanay wax inoo hagaagin”.

Hadalkan madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya isku dayayso in ay carqaladayso siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland.

Jawaabta Somalia


“Waxa shirka lagu qeexay in la dardar geliyo wada hadalada Somaliland si loo ilaaliyo midnimada qaranka” Xukuumadda Somalia 


Afhayeen u hadlay golaha wasiirada Somalia oo markii shirku dhamaaday faah faahin ka bixiyey qodobadii lagaga hadlayey shirkaasi ayaa waxa uu yidhi “Arimaha kale ee shirka la horkeenay waxa ka mid ahaa ilaalinta midnimada Soomaaliya, iyada oo lagu qeexay in la dardar geliyo wada hadalada Somaliland si loo ilaaliyo midnimada qaranka”

Dawlada Somalia ayaa u muuqata inay hadalkan kaga jawaabaysay farriintaas hore ee Madaxweynaha Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.