WorldRemitAds

Garoowe, Somalia, December 02, 2018 (Saxafi) – Murashaxiin u taagan Madaxtooyadda maamul goboleedka Somalia ee Puntland ayaa bayaan wada jir ah oo ay soo saareen,waxaa ay ku sheegeen in Cabdiweli Gaas uu faragelin ba’an uu ku hayo nidaamka soo xulista Xilldhibaanadda cusub ee Gollaha Wakiilada, iyagoo intaasi ku daray in dhibaato kasta oo ka dhalata doorashadda uu Madaxweynaha qaadayo mas’uuliyadeeda.

Murashaxiin-ta ayaa hoosta ka xariiqay in Cabdiweli Gaas uu kala qaybinayo Beelaha, islamarkaana uu gacan-bidaxaynayo kuwa uu u arko inay isaga aragti ahaan ka soo horjeedaan.

SomlegalAds

Guddiga khilaaf suulinta ayay tilmaameen inaanu Gaas kaligii soo magacaabi karrin, iyaga oo daboolka ka qaaday inay daruuri ay tahay in laga tala geliyo murashaxiinta iyo waliba Odayaasha dhaqanka.

Murashaxiin-ta ayaa shaaca ka qaaday in masuul haatan xilka ka haya maamulka Cabdiwali Gaas ama shaqaale dowladda haatan jirta ka mid ah aan midkoodna lagu soo dari karin Guddiga khilaafaad xalinta.

“Hadii aanan tani dhici, Guddiga khilaaf xalinta waxa ay noqon karaa kuwa aan kalsooni lagu qabi karin, inay fuliyaan danaha Gaas, waxayna meel ka dhac wayn ku tahay isimada, horseedi karana khilaaf,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka ay soo saareen Musharixiinta ayaa qeexay in Gaas aanu awood u laheyn hadda inuu qaado talaabooyinka soo socda.

1) In aanu dhaqaalaha dowladda u adeegsan karin olalaha doorasho

2) In aanay saxiixi karin go’aanno maaliyadeed

3) In aanay xili magacaabi karin, xilna qaadi karin

Ugu dambeyntii, Murashaxiin-ta ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland inay ka shaqeeyaan maalmaha doorashooyinka ama xiliga kala guurka ah inay kala shaqeeyaan hay’addaha amniga nabad-gelyadda.

WAR-SAXAAFADEEDKA:

Annaga oo ah Musharrixiinta madaxweyne ee Puntland doorashada 2019 isuguna jira kuwa dalka jooga iyo kuwo maqanba, waxaannu kulamo gaar ah ka yeelaney xaaladda Puntland, Doorashada 2019, iyo dhismaha guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka.

Markaan aragnay warqadda ka soo baxday madaxweynaha xilku ka dhammaanaayo ee ku saabsan soo xulidda Xildhibaannada golaha wakiillada.

Guddiga Xalinta Khilaafadka iyo Ansixinta Xildhibaanada.

Waxaa marag ma doonta ah in soo xulidda xildhibaannada beelaha sanadkan la gashey khilaaf aan waligii ka dhacin Puntland, taas oo si ku talagal ah uu madaxweynaha talada hayaa u maleegaayo waana wax aan taariikhda Puntland hore u soo marin.

Wuxuuna si ku talaggal ah Musharax-Madaxweyne Cabdiweli Mohamed Ali Gaas u dejiyey in ay xubno badan oo wata liisas is-khilaafsan iyo saxiixyo isimmo/nabadoono kala duwan ka yimaadaan beelo kala duwan, si uu madaxweynuhu ugala dhex baxo kuwa isagu uu rabo. Waxaana u meel marinayaa guddi keligiis uu soo xulanayo kuna magacaabay: Guddiga Xalinta Khilaafadka iyo Ansixinta Xildhibaanada.

Waxaa wax aad looga xumaado ah oo aan sina loo aqbali Karin in qabiil kala sooc ba’an uu madax weynuhu kula dhex jiro beelaha xildhibaannada iska soo xulaya qaarka uu u arko in uu qabiil ahaan uga xoog roon yahay, uu xubnohooda cidduu rabo ku qorayo si cadna isaga indha tiro saxiixyada nabadoonnada iyo isimmada beelahaas.

Waxaa kale oo jirta in qabiillada uu madaxweynuhu u arko in aanay xoog badan lahayn ama isimmadoodu meelo fog jiraan oo aan Garowe iman karin uu si toos ah qofkuu rabo u marsado guddiga khilaafaadka.

Hadaba waa in la helaa guddi dhex-dhexaad ah oo ay isku waafaqsan yihiin dhammaan musharrixiinta oo ku jiro madaxweynaha oo isna musharraxnimo ku dhawaaqay. Haddii Gudigaasi (Vetting committee) aanu ahayn mid dhexdhexaad ah, ama tayo fiican, ama aqoon iyo waayo aragnimo wayn aanu lahayn xaalada dhaqan iyo midda siyaasadeed ee Puntland Waxaa ka dhalankara dhibaatooyinkasoosocda;

  1. Madax banaanid iyo kalsoonida guddiga lagu qabo oo la waayo. Mar haddii aan laga tala galin mushaxariinta oo uu ku tagrifalo soo magacaabiddooda Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday oo kaliya.
  2. In ay noqdaan kuwo ku shaqeeya rabitaanka Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday oo kaliya.
  3. In ay soo saaraan liiska xildhibaanada uu rabo Musharrax Gaas oo kali ah.
  4. In la liiskana laga saaro xildhibaano badan oo si sax ah beelahodu u soo gudbiyeen. Haddii madaxwaynaha sii degaayaa dantiisa ka arki waayo.
  5. In ay meel ka dhac weyn ku tahay issimada dhaqanka Puntland, taas oo cadaawad iyo khilaaf xooggan horseedi karta sidoo kalana abuuri karta khal khal,amni xumo iyo dhaawac soo gaara wadajirka dadka Puntland.

Talo soo jeedin;

  1. Waa in shuruudaha gudiga iyo awoodahooda la isku waafaqo oo Musharaxiinta, Issimada, Dowladda iyo ay iisku raacaan.
  2. In laga wada tashado magacaabista guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo kala Saaridda Xildhibaanada, si looga hortago is qabqabsi iyo ku tagri fal masiirka umadda.
  3. In xubnaha guddigu noqdaan kuwo isu dheelitiran Kana kooban gobolada Puntland.
  4. In guddiga aysan ka mid noqon Karin shaqalaha dowladda, la taliyayaasha iyo kuwa ka shaqeeya xaafiisyada madaxda sare ee dowladda si loo ilaaliyo madaxbanaanidda guddiga.
  5. In xubnaha guddiga aanay ka mid noqon Karin qofku cad ama u ololeeya musharax gaar ah.
  6. In xubnaha guddiga aysan ka mid noqon qof ay maxkamadi dembi ku xukuntay.

Dhinaca kale;

  1. Laga bilaabo markii uu madaxweynaha Puntland si toos ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharrax madaxweyne oo mar kale u tartamaayo 2019ka, (November 29, 2018), in aanu samayn Karin xaqna u lahayn arrimahan hoos ku qoran:
  2. In aan musharrax Cabdi-weliMaxamad Cali Gaas aanu xoolaha/hantida guud ee ummadda uusan doorasho u isticmaali Karin si toos ah iyo si dadban midna,
  3. Waxaannu wasaaradda maaliyadda Puntland iyo dhammaan ciddii ay khusayso u sheegeynaa in Musharax Cabdi-weli M C Gaas aanu wax maaliyad ah saxiixi Karin, isaga iyo ciddii arrintaas khilaaftaana uu sharcigu qabandoono.
  4. In Musharax Cabdiweli Gaas laga bilaabo maalintuu iclaamieyey musharaxnimadiisa aani xil magacaabi Karin ama xil ka qaadi Karin qof.
  5. Waxaannu wasaaradda maaliyadda Puntland iyo dhammaanciddii ay khusayso u sheegeynaa in madaxweyne Cabdi-weli M C Gaas aanu wax maaliyad ah saxiixi Karin, isaga iyo ciddii arrintaas khilaaftaana uu sharcigu qabandoono.

e.In Musharax Cabdiweli Gaas laga bilaabo maalintuu iclaamieyey musharaxnimadiisa uusan xil magacaabi karin ama xil ka qaadi karin qof.

Murashaxiin-ta soo saaray war-saxaafadeedkaan:

  1. Dr. Aadan Maxamad Ciise(Gaadaale)
  2. Eng. Cabdirizaaq Cabdullah iJaamac(Jannagale)
  3. General Khaliif Ciise Mudan
  4. Eng. Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye)
  5. Eng. Maxamad Cabdullahi Xuseen (Shortaaye)
  6. Siciid Cabdullahi (Deni)
  7. Gen. Saciid Mohamed Hirsi (Saciid Dheere)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.