Boorama, Somaliland, December 15, 2015 (Saxafi) – Kaalin ka mid ah kaalmaha shidaalka laga iibsado ee magaalada Boorama ayaa shalay shuf-beeshay ka dib markii uu dab qabsaday.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in kaalintan oo dabku qabsaday cabbaare 7.30 subaxnimo ayaa la bakhtiiyay saacad iyo badh ka dib wakhtigaas oo boqolaal adadweyne ah iyo gaadiidka dabdemiska oo goor dambe yimi ka qayb qaateen deminteeda. kaalintan oo lagu magacaabo Geelle Fuel Station kuna taalla Magaalada dhexdeeda ayaan ilaa imika la ogeyn sida dabkaasi ku qabsaday Haamaheeda, iyadoo taliyaha ciidanka Booliska oo goobta joogay ayaa sheegay inay baadhistii socota, isla markaana la ogaan doono sababta keentay dabkaasi.
Gaadiidka dabdemiska Boorama oo markii u horreysay ka qayb-qaatay deminta dabkan ayaa goor dambe oo dabkaasi sii xoogeystay dib u dhiciisa lagu xidhiidhiyey dadweyne iyo gaadiid gurmad iyo daawasho u yimi kaalintani inay xannibeen in gaadiidkaasi degdeg usoo gaadho halkaasi, iyadoo dadka qaarkoodna sheegeen in darwaliinta gaadiidkan oo aan mushaar weli lagu siinin gaadiidkaasi ay ka cagajiideen inay degdeg u yimaaddaan halkaasi.
Maayarka Boorama oo wax laga weydiiyey in dibudhaca gaadiidkaasi ay sabab u tahay mushaar la’aanta shaqaalaha dabdemiska ayaa ku jawaabay in sannadka cusub loo bilaabi doono miisaaniyaddana loogu daray.