Laba bilood ku dhawaad ayaa laga joogaa markii labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland iska kaashadeen sidii ay soohdinta labada dal looga sifeyn lahaa koox hubaysan oo uu madax u ahaa Suldaan Abiibakar Wabar.
Kooxahan oo muddadaasi Boorama iyo Qulujeed ka geystay weerarro naf iyo maalba waxyeelay, kuwa kalena ku boobay ama khasaare lagu gaadhsiiyay ganacsato iyo shirkado ay muwaadiinta dalku leeyihiin, ayaa aakhirataankii waan waan ay ka shaqeeyeen rag u hogaaminayey Madaxweyen ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, laguna kabay heshiis magaaladda Diridhaba ku dhex maray labada dal, ayaa aakhirataankii kooxahaasi ku khasbay inay isku soo dhiibaan xukuumadda Somaliland iyo inay cafis ka helaan madaxweyne Siilaanyo. Waxaase heshiiskaasi iyo cafiskaasi aan ka faa’iideysan Wabar oo ka baxay dalka.
Laba bilood kaddib burburka Jabhaddaasi Wabar, waxa weli xabsiyada dalka iyo dalka deriska ahba ku jira xubno ka mid ah maleeshiyada Wabar, una xidhan arrimo nabadgelyo, waxana weli khilaaf ku kala maqan ama ku kala irdhoobay siyaasiyiintii, hogaamiye dhaqameedyadii iyo baayacmushtarkii beelaha uu wasiirka u yahay mudane Abgaal ee deegaanka Boorama ilaa maantana aan ka wada hadal sidii ay ugu midoobi lahaayeen kaambaynadda siyaasadda iyo horumarinta, la iskagana saamixi lahaa wixii ku soo kala dhex maray dagaalkii Wabar ka dhex bilaabay.
Marka loo daadego halka u lugta ku hayo khilaafka beelaha deegaanka Boorama ee uu Wabar mar u wada ahaan jiray Suldaanka Guud ayaan tusaale u soo qaadan karraa khasaarihii iyo faa’iidooyinkii ku soo kala gaadhay dagaalkii Wabar ka dhex bilaabay, iyagoo ku kala aragti duwan sida Jufooyinka uu ka soo jeedo Wabar aanay marnaba raalligelin uga bixin khasaare qaybo ka mid ah beesha ka soo gaadhay weerarro ay ku soo qaadeen oo sababay dhimasho iyo burbur hantiyeedba sida weerarkii Qulujeed ee jabhaddu ku soo qaadday 10-kii feberweri 2015, halkaasina sida odayaashu sheegeeyaan ay ku dhinteen haweenay da’ah ,saqiirinta laba caruur ah oo midba 30 habeen jiray oo qabow ku dhuftay, Xoolo badana lagu waayay, iyaddoo ay jireen dad barakacayaal ah oo 10 casho la waayay.
Waxa kale oo Jufooyinka Wabar aanay raalligelin ka bixinin boobka jabhaddaasi ee bakhaar uu leeyahay ganacsade Caan ah oo Boorama ku yaala iyo jarjaridda jabhadda ee xadhkaha shirkad isgaadhsiineed oo uu masuul ka yahay ganacsade ka tirsan beelaha deegaanka Boorama, oo dhacay bishii sagaalaad ee sannadkan, weerarkii guriga badhsaabka Awdal iyo arrimo kale. halka dhinaca kale ama jufooyinka Wabar ku doodayaan in burburka iyo Guuldarada jabhadda soo gaadhay ay masuul ka ahaayeen ganacsato iyo siyaasiyiin ku xidhan xukuumadda oo markiiba jabhadda kala soo baxay ciidanbeeleed ay isku hayb ahaayeen, loogana xidhxidhay odayaal iyo baayacmushtar, wax qaadhaan ahna aanay siinin ciidan ay u arkayeen inay ahaayeen xaq u dirir.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo la socotay dhibaatada dalka, masuulyiinta iyo baayacmushtarkaba kasoo gadhay dagaaladii jabhaddaasi ayaa laga yaabaa inaanay ku qanacsanayn ama ku faraxsanayn soo xeryenta jabhaddaasi oo bilaa Wabar ah, haatan u muuqata inaanay si buuxda u fulinin shuruudo ku xidhnaa xero gelinta jabhaddaasi maadaama uu Wabar qayb ka ahaa waan waantaasina aanu soo raacin jabhadda, waxna la iska weydiin doono, sidaa darteedna xukuumaddu iska ilaalinayso in fulinta shuruudaha heshiiskaasi uu dhinaca kale u qaato sedbursiin jabhadda Wabar ku heshay khasaarihii ay dawladda iyo ganacsatadaba ugu geysteen Boorama.
Xukuumadda iyo xisbul xaakimka Kulmiye oo eegaya saamaynta beelahaasi ku yeelan karaan doorashooyinka soo socda iyo sida loogu baahnaa inay ka hawlgasho midnimadooda ayaa haatan aad mooddaa inay bilowday xogwaraysi ku saabsan dhinacyada is khilaafsan ee beelahaasi, mase muuqato wadiiqo loo maro sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa, ciddi gardarada yeelatana waajibkeeda loo tusi lahaa ciddii lagu xadgudbayna looga raalligelin lahaa.