WorldRemitAds

Boorama,Somaliland, March 15, 2012 (Saxafi)- Magaalada Boorama ayaa labadii casho ee ugu dambaysayba waxa ku sugan kooxo ka socda xafiiska Handhawrka guud ee Qaranka, kuwaas oo sida la sheegay magaaladda Boorama ka wadda baadhis gaar ahaan laamaha dawladda.

Inkastoo aanay saxaafadda waxba u sheegin kooxdani, hase yeeshee waxa la sheegeyaa inay u socdaan  tuhun la xidhiidha  musuqmaasuq ka dhaca laamaha dawladda ee gobolka, haseyeeshee kooxahan wax baadha ayaa intay  maalmo joogaan Boorama iska noqda, iyagoo  waxba kasoo saarin baadhisaha ay u yimaaddaan gobolka ama magaalada, sidaa darteedna la filayo inay kooxdani aanay waxba ka duwanayn kuwii hore u iman jiray gobolka .

Kooxdan ka socota Hantidhawrka Guud  ayaa Boorama kusoo beegantay wakhti madaxweyne Siilaanyo xafiiskii uu ka qaaday wasiirkii maaliyadda ee hore Eng:Maxamed Xaashi, welina aanu la wareegin wasiirkii cusb, sidaa darteedna baadhistani noqon karto mid wakhtigeedii dhacay loona baahnaa inay wakhti hore Boorama u yimaaddaan hawlahan oo kale .

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.