WorldRemitAds

“Shaqaalaha Dhamaantood Waxaanu U Cadaynay Inaanu Qof Shaqo Waayeyn, Masuulna Ay Xukuumadu Ka Tahay” Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland

Berbera, Somaliland, August 2, 2016 (Saxafi) – Wefti ka kooban Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo Shaqaalo-weynaha ka hawl-gala dekedda weyne ee Berbera, ayaa shalay kulan albaabadu u xidhan yihiin ku dhexmaray magaalada Berbera xarunta gobolka Saaxil, kulankaas ayaa la sheegay in lagaga wada-hadlay saameynta uu heshiiska Maalgashiga dekedda Berbera ee shirkadda DP World ku yeelanayo shaqaalaha wakhtigan ka hawl-gala dekedaas.

Sida uu sheegay warka dhinaca xukuumadda ka soo baxay Xubnaha golaha Wasiiradda Somaliland ee la kulmay shaqaalaha dekedda Berbera ayaa ka koobnaa shan xubnood oo ka mid ah xubnaha guddida Maalgashiga dekedda Berbera iyo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule), waxaana shirkaas oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin markii laga soo baxay warbaahinta warbixin ka siiyay wixii ay weftiga wasiirada ah iyo shaqaalaha dekeddu isla meeldhigeen, Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi.

SomlegalAds

Ugu horeyn Wasiirka Madaxtooyaddu isagoo ka hadlaya ujeeda socdaalkooda Berbera, ayaa waxa uu yidhi: “Waxa aanu socdaal shaqo ku nimid Saaka (shalay) Magaalo Madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, annagoo ka kooban shan xubnood oo golaha wasiirada ka mid ah oo isugu jirna Xubnihii guddida Maalgashiga dekedda Berbera ka shaqaynayey iyo Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo isaguna arrinta halkan taala darteed noogu soo kordhay, waxa aanu u nimid in aanu kulamo la yeelano, is xogwaraysi ku saabsan shaqaalaha guud ahaan ka hawlgala dekedda, hadday tahay shaqaalaha muruq-maalka geelaha, salfadoorka, dekedda, iwm, sida aynu dhamaanteen la wada socono xukuumadda Somaliland waxay wada hadal heshiis la samaysay shirkadda DP World, heshiiskaas oo ah mid maalgashi oo dekedeena lagu horumarinayo, sharax badan ugu noqon mayno, waxa la qaban doono iyo waxa la xidhiidha arrintaas. Waxa aanu u nimid in aanu uga waranno shaqaalaha kala duwan saamaynta heshiiskani ku yeelanayo iyadoo ay cabatino naga soo gaadheen, kuwaas oo dabcan aanan qariibsanayn xukuumad ahaan werwerka iyaga ku soo kordhay maadaama ay maqleen in dekedii shirkad aynu wadaag iyo malgashi aynu samaynayno, shirkada DP World-na ay maamuli doonto, waxa aanu halkan ugu nimid maareeyaha dekedda iyo masuuliyiintii dekedda, dhawr kulan ayaanu halkan ku qabanay oo mar waxa aanu la kulanay tiro luxdan oo ay soo qaybsadeen shaqaalaha salfadoorku, waxa kaloo aanu la kulanay shaqaalaha muruq-maalku guddi ay soo gabsadeen oo miisaan leh Geelle (A) iyo Geelle (B) oo waayeelkoodii halkan nagu weheliyaan, waxa aanu ka dhegeysanay dareennadoodii iyo cabatinkoodii iyo werwerkoodii, sida aan carabka ku dhuftay waxa aanu qariibsanayna may ahayn oo waa wax aanu ugu garaabayno oo macquul ah, xukuumadda Axmed Siillaanyo ee aanu wasiirada ka nahay, waxa aanu maalgashiga u doonayno dekedda Berbera in uu wax u soo kordhiyo qaranka Somaliland, inuu wax u soo kordhiyo magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, inuu wax u soo kordhiyo dekedda, uma wadno inuu shaqaaleheeda xuquuqdiisa lumiyo, waxaanu nahay xukuumaddii qarankan ee la doortay ee ka masuulka ahayd if iyo aakhiroba.

DP World iyo dekeddan dhismaheeda iyo maalgashigeedu, haddii shaqaaleheedu ku shaqo beelayaan, xigmad iyo nuxur uu salka ku hayaa maalgashigeedu ma jiro, waxa aanu wadnaa intan in ka badan 3,000 ee maanta ka shaqaysaa in ka badan inay ka shaqo  hesho ayaanu rabnaa oo aanu jecelnahay marwalba Insha Allaa, saddexda kun waxay isugu jiraan shaqaalahaasi shaqaale kala duduwan, dhamaantood waxa aanu u cadaynay in qof shaqo waayayaa aanu jirin xuquuqdooduna ay tahay mudamin, masuulna ay xukuumaddu ka tahay, si fiican ayaanu isu afgaranay, way noo cawdeen, waa lanaga dhex shaqeeyey warar badan ayaa noo kala tegay anaguna waanu ka raagnay, balse waxa aanu ku kala tagnay is afgarad, waxa aanu ku kala tagnay in aanu xuquuqdoodii iyo kalsoonidoodii beerno, waxa aanu ku kala tagnay inay guddiyo kooban soo qaybsadaan oo aanu arrimahooda meel ku tiirino, annagana waxa naga go’an in aanu dhamaantood maslaxadahooda meel ku tiirino waayo dawladoodii ayaanu nahay masuul ayaanu ka nahay, kulankaasina waxa uu ku soo afmeermay is fahan iyo is afgarad wanaagsan waana mida aanu shirkan u qabanay kolayba waa loo dhegtaagayee in aanu intaa ku muujino dhamaantoodna waanu u mahadcelinaynaa shaqaalaha dekeda, masuuliyiinta dekeda iyo masuuliyiinta maamulka gobolkaba dhamaantood, waxanan intaa ku darayaa Xukuumaddu, waa xukuumadii dadkan weeye, maaha cadaw ku soo duulay halkan kama wadno cadaawad, cabudhin, xadhig iyo bello, maaha dawladihii aynu la dagaalamaynay tani waa dawladii dadkani doortay ee lahayd ee lexjeclada ka lahayd, waxa aanu leenahay bulshada gobolkan Saaxil dhan-xiirka iyo dhan gaagaalaha iyo warxumo tashiilka yaanay dhegihiina bello laga buuxinin, wanaag baynu wadnaa, wax inay inoo kordhaan baynu wadnaa, waxa aanu ugu baaqaynaa bulshada inay horumarka taageeraan, nabada ilaaliyaan, waxa wanaagsan ee aanu wadno nagala shaqeeyaan. aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.