WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 12, 2016 (Saxafi) – Wefti ka socda ururka Jamacada Carabta oo uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee Jaamacadda Carabta Amb. Zayed al Sabaan, ayaa shalay si diiran loogu soo soo dhoweeyey garoonka caalamiga ah ee Cigaal international airport.

Weftigan jaamacadda Carabta waxa madaarka kaga hor tagay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada Somaliland iyo saraakiil kala duwan oo ka tirsan arrimaha dibadda, waxaana ujeedadda safarkoodda lagu sheegay inay ku salaysan tahay sidii ay uga war heli lahaayeen xaaladaha kala duwan ee uu dalku ku sugan yahay.
Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka wasaarada qorsheynta Cali Salaan Jirde, wasiirul dowlaha Biyaha Mahdi Cismaan Buuri, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Axmed-keysa, Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Amb. Cabdifatax Siciid Axmed, taliyaha laanta socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland Gashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo ka socday laamaha dowlada ayaa kulan albaabadu uu xidhan yahay la yeeshay weftiga ka socday jaamacada Carabta oo ka koobna Amb. Zayed Al Sabaan, Axmed Bakaal, Amb. Maxamed Cabdala Idris iyo Amb. Yasir Cabdil Mumin.
Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Amb. Cabdifataax Sicid Axmed iyo masuuliyinta kale sii wada jir ah ka warbixiyey ujeedada booqashada weftiga ku salaysan tahay isagu xusay in natiijada kulankaasi uu ahaa mid midho dhal ah, waxana hadalkiisu uu dhigna agaasimaha guud ee wasaarada dakhiliga ah sidan “Halkan waxa aan ku soo dhoweynaya wasaarada arrimaha gudaha Somaliland anagu runtii ka wakiil ah wasiirka iyo wasiirada kale iyo guud ahaanba kulankan qiimaha leh ee uu hogaamineyo wasiirka arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka qorshaynta Cali Salaan Jirde, wasiir ku xigeenka arrimaha dibada iyo taliyaha laanta socdaalka Maxamed Cali Yusuf. Runtiina shirkani waxa uu ahaa shir aad iyo aad uu wanaagsan oo midho dhal ah oo ay wasaarad walba ay baahideeda uu soo gudbisay, waxana aanu jecelnahay in ay naga qaadaan weftigan ka socda jaamacada Carabta. ”
Wasiirka arrimaha dibada jamhuuriyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa isna dhankiisa sheegay ujeedada boqoshada weftiga ka socday jaamacada Carabta uu hogaamineyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee ururkaas xog ururin iyo xogaal ah, waxana uu sheegay wasiirku in ay dhamaan masuliyiinta ka socday wasaraadaha dowlada ay ka warbixyeen baahiyaha kala duwan ee wadanka ka jira sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo xaalada abaaraha.
“Waxa aan maanta (shalay) kula kulanay weftigan anagu wasaraado badan oo gedigeeni u gudbinay baahiyaha ka jira dalka sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo abaaraha, islamarkaana ay weftigu ay qaateen dhamaan arrimaha aanu uu bandhignay. Insha Allah, waxanu rajeyayna socdaalkani in uu noqdo kii ugu horeeyey, islamarkaana uu noqdo mid midho dhal ah anagu mudo faro badan aynu sugayne wufuud inuga timaado iyo gargaaro inooga yimaadan ururka Jaamacada Carabta, waxana aad mooda in maanta ay bilow inoo tahay aad baanu u soo dhoweynayna weftigan waxana rajeynayna inay inoo ahaato bilow wanaagsan. ”
Mar wasiirka arrmaha dibada Dr. Sacad Cali Shire uu wariyey Cabdishakur Dayib oo ka tirsan telefishanka Horn Cable Tv su’aal ka waydiiyey ku saabsan in wali ururka Jaamacada Carabta ku adag yahay mabda’a midowga Somalia iyo in ay la soo hadal qaadeen weftiga kulaankoodii, waxa uu wasirku kaga jawaabay sidan “Arrinkaasi runtii waynu ognahay mowqifkaas halka ay ka taagan yihiin, laakinse ergayga khaaska ah sida uu sheegay siyaasada daakhiliga ah in aanay faro gelinayn ururka Jamacada Carabta ahaan oo waa arrin idinka idin yaala weeyaan ayuu yidhi. Markaa hadda waxa aanu ka wada hadlaynaa sidii ay wax inooga caawiin lahaayeen iyo wax inooga tari lahaayeen baahiyaheena faraha badan ee dhaqaale iyo bulsho. ”
Wasiirka wasaarada Qorshaynta Jamhuriyada Somaliland Cali Salaan Jirde ayaa ku adkeeyey masuliyiinta ka socday Jamacada Carabta in ay dhex dhexaad ka noqdaan qadiyadda Somaliland iyo Somalia, “Islamarkana waa inay diirada saaraan arrimaha mashaariicda horumaarinta dalka oo aanu u bandhignay barnaamijkii qorshaha hormarinta qaranka ee shanti sanadood ahayd imikana gabogabo ku jira ayaanu u dhiibnay, ” ayuu yidhi, waxa kale oo uu sheegay wasiirka qorshayntu in sanadkan oo keliya ah looga baahan yahay lacag dhan boqol iyo dhowr iyo sagaashan milyan oo dollar in nalagu maalgeliyo dalka, kaas oo uu sheegay inay u bandhigi doonaan Jaamacada Carabta sida ay wax uga gaysanayso.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.