WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, July 9, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Ismaamulka Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay socdaal aan la ogeyn ku tegay xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo wararku sheegeen in tegitaankiisu ka dmabeeyay amar yeedho ah oo ka soo baxay hoggaanka sare ee dawladda Federaalka Itoobiya.

Ilo Xog-ogaal ah ayaa xalay wargeyska Saxafi u sheegay inuu jiro qorshe ay Dawladda Itoobiya maagan tahay oo la doonayo in xabsiga loogu taxaabo Madaxweyne Cabdi Iley iyo Taliyihii hore Bileyska Itoobiya, kuwaas oo la xidhiidhinayo qalalaasihii sannadihii u dambeeyay ka taagnaa dalka Itoobiya, gaar ahaan deegaanka Ismaamulada Soomaalida iyo Oromada, halkaas oo ay sannadkan iyo kii ka horeeyayba ay ka dhaceen xasuuq farabadan oo loogu geystay dad rayid ah oo labada dhinacba ah.

SomlegalAds

Dhinaca kale, warar kale ayaa sheegaya in Cabdi Iley loo soo jeediyay inuu xilka iska casilo, si ay u fududaato in la damiyo colaadaha iyo nacaybka faraha badan ee ka taagan deegaanada Soomaalida iyo kuwo u dhowdhowba, gaar ahaan deegaanada qoomiyadda Oromada. Hase yeeshee warkaasi ma sheegin inuu Cabdi Iley ogolaaday soo jeedintaas.

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay toddobaadkii hore soo saartay ku soo bandhigtay tacadi farabadan oo dadka shicibka ah loogu geysto deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo xabsiyadeeda, kuwaas oo ay dusha ka saartay Madaxweyne Cabdi Iley.

Sidoo kale, waxay Dawladda Itoobiya xilka ka qaaday shaqadana ka caydhisay shan sarkaal oo ka mid ah kuwii ugu sareeyay Saraakiisha Xabsiyada Itoobiya, oo uu ka mid yahay xabsiga ugu weyn deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhawaan ayey Baarlamaanka Ethiopia u aqoonsaday urur siyaasadeed Jabhadda hubaysan ee muddada dheer ka dagaalamaysay deegaanka Soomaalida ee ONLF, taas oo ahayd salaankii uu Cabdi Iley ka soo Korey awoodda, kadib markii uu dil iyo xadhig ba’an u geystay, isla markaana qaarkood hub-ka-dhigis ku sameeyay tobaneeyo sannadood ka hor.

Tallaabadan ayaa ka mid ah siyaasadda cusub ee Raysal-Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ku bedelay siyaasadii milateriga iyo nidaamka hanti-wadaaga ah ku dhisnayd Ethiopia, isagoo ilaa hadda qaaday inuu demiyo colaadaha iyo qalalaasaha u dhexeeya shucuubta gudaha Ethiopia iyo kuwa jaarka ah, isagoo shalay oo ugu dambeysay ka degay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea oo muddo ka badan labaatan sannadood uu u dhexeeyay dagaal qaadhaadh.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.