Soomaalida iyo Oromadu waa dad weligood ku noolaa Afrika, gaar ahaanna geeska Afrika halka ay ka yimaaddeen iyo siday ku yimaaddeen Geeska Afrikana waa arrin u baahan cilmi baadhis iyo taariikhyahanno badan.
Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga
Haddaan sii kala saarro degaanada ay ku kala badan yihiin ama ku kala nool yihiin waxay Soomaalidu u badan tahay kuna nooshahay dhulkii la odhan jiray shanta Soomaaliyeed, sida labada dawladood ee maanta ay kala go’day Soomaaliya, Jabuuti, Soomaali galbeed oo Itoobiya ah, Jabuuti, NFD Kiiniya ah, halka Oromaduna ku badan tahay dalalka Kiiniya iyo Itoobiya loona kala yaqaanno magacyo kala duwan balse af keliya ku hadla.
Tan iyo markii Somaliland xorroyadeedii kala soo noqotay Soomaaliya 1991kii, kuna dhawaaqday dawlad cusub oo ka mid ah dalalka Geeska Afrika, waxay dad badan Soomaali ah u qaateen in dawladnimadaasi tahay mid ruwaayad ah oo aan marnaba ka madax banaanaynin Soomaalida inteeda kale, aakhirataankana ay is dhiibi doonto oo ay Soomaali dib ugu soo laaban doonto, lana aqoonsan doonin. kaambayn ka dhan ah reer Somaliland ayaa Soomaali oo dhammi meel ay joogtaba isku raacday, hadday dawlad tahay iyo hadii ay Soomaali kale tahayba, waxa reer Somaliland laga hor joogsaday inay aqoonsi caalamiya hesho ilaa maanta, waxaana taa u sii dheer dagaallo siyaasadeed iyo kuwa hub loo soo qaato oo Somaliland ilaa maanta kaga imanaya dalalka deriska ah oo dhan Soomaalida ku nool.
Cidhiidhiga siyaasadeed ee la geliyey iyo aqoonsi la’aantaasi waxay reer Somaaliland kaga jawaabeen inay cid kasta oo wanaag la jecelna soo dhaweyso ciddii kale ee diiddan madax bannaanideedana geed iskaga xidho.
Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka
Sidoo kalle, qawmiyadda Oromada oo cidhiidhi badani kaga yimi Soomaalida, meel kastana dagaal ku dhexmaray hadday tahay Itoobiya iyo Kiiniya ayaa aakhirataankii dagaal ay kula jireen Soomaalida iyo xukuumadihii Itoobiya sanado badan ayaa aakhirataankii qabsaday xukunkii ugu sareeyey ee dalka Itoobiya, iskana xoreeyay Soomaali iyo qawmiyad kale oo ku nool dalalka Kiiniya iyo Itoobiya, waxaanad mooddaa in nacaybka Soomaalidu tustay Somaliland iyo Ormadu aakhirataanka walaalo ka dhigi karta, iskana bahaystaan cid kasta oo jiritaanakooda diiddan.
Hadda, wefti ka socda Qawmiyadda Oroomada Itoobiya ayaa Hargeysa yimi si uu u sii xoojiyaan xidhiidhkii ganacsi ee ka dhexeeyay boqolaal sano, waxana socdaalka madax dhaqameedyada Oromadu ee Somaliland iftiimiyey isbahaysi cusub oo laga yaabo inuu dhex marro laba qawmiyadood ama maamul ee ay Soomaalida kale kaga yimaaddeen hagardaamooyinku, iyagoo wadaagaya siday iskaga daafici lahaayeen cadaawadda reer Somaliland kaga socota Soomaalida kale, iyo maamulada dalalka deriska ah sidaa darteedna loo qaadan karro inay gaadhaan heshiisyo la mid ah, kan isu keenay dalalka Carabta qaarkood iyo Yuhuudda.
Faallo – Maxamed Cumar Sheekh