Hargeysa, Somaliland, February 22, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta masuuliyiin cusub u magacaabay xilal kala duwan oo ka mid ah xukuumaddiisa iyo hay’adaha Dawladda, isla markaana waxa uu toddoba kale u magacaabay Maxkamadda Sare iyo Xeer-ilaalinta Ciidanka Qaranka Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda u magacaabay Aqoonyahan Maxamed Cali Bille oo ka mid ah aqoonyahanada reer Somaliland, muddo badana ka soo shaqayn jiray hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu wareegto labaad oo uu isla maanta soo saaray ku magacaabay madaxda Maxkamadda iyo Xeer-ilaaliyeyaasha Ciidamada Qaranka Somaliland.
Hase yeeshee wareegtada koowaad ee Madaxweyne Muuse ku magacaabay sagaalka masuul ayaa waxay u dhignayd sidan:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-43/022018, uu ku magacaabay sagaal masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
Tir | Magaca | Xilka |
1. | Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin | Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka |
2. | Mustafe Faarax Cali Aadan | Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka |
3. | Muuse Xasan Xaaji Yuusuf | Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada |
4. | Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) | Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada |
5. | Maxamed Cali Bille Guuleed | Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada |
6. | Axmed Xasan Cigaal Sahal | Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya |
7. | Maxamed Warsame Ducaale | Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay |
8. | Maxamed Cabdikariin Cumar Ismaaciil (Maarshaal) | Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Itoobiya |
9. | Ayaanle Salaad Diiriye | Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Dalka Kiiniya |
Masuuliyiinta xilka wareejinaya, waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-44/022018, uu ku magacaabay toddoba masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
Tir | Magaca | Xilka |
1. | Gaashaanle Sare, Saleebaan Muuse Xasan | Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland |
2. | Gaashaanle Sare, Siciid Xasan Maxamed | Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland |
3. | Gaashaanle Dhexe, Ibraahin Maxamuud Guuleed | Guddoomiyaha Maxkamadda D1aad ee Aaga Bari |
4. | Gaashaanle, Cabdillaahi Xasan Carraale | Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland |
5. | Gaashaanle, Yaasiin X. Cali Maxamuud | Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland |
6. | Gaashaanle Dhexe, Fu’aad Raage Maxamed Xirsi | Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka |
7. | Gaashaanle, Khadar Cali Maxamuud | Xeer-ilaaliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidammada Qaranka |
Masuuliyiinta xilka wareejinaya, waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen, isla markaana waxaan farayaa in ay ku noqdaan Talisyada Ciidan ee ay ka tirsan-yihiin.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland