WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, February 22, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta masuuliyiin cusub u magacaabay xilal kala duwan oo ka mid ah xukuumaddiisa iyo hay’adaha Dawladda, isla markaana waxa uu toddoba kale u magacaabay Maxkamadda Sare iyo Xeer-ilaalinta Ciidanka Qaranka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda u magacaabay Aqoonyahan Maxamed Cali Bille oo ka mid ah aqoonyahanada reer Somaliland, muddo badana ka soo shaqayn jiray hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu wareegto labaad oo uu isla maanta soo saaray ku magacaabay madaxda Maxkamadda iyo Xeer-ilaaliyeyaasha Ciidamada Qaranka Somaliland.

SomlegalAds

Hase yeeshee wareegtada koowaad ee Madaxweyne Muuse ku magacaabay sagaalka masuul ayaa waxay u dhignayd sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-43/022018, uu ku magacaabay sagaal masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

TirMagacaXilka
1.Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed KaahinMaareeyaha Hay’adda Waddooyinka
2.Mustafe Faarax Cali AadanMaareeye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka
3.Muuse Xasan Xaaji YuusufGuddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada
4.Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh)Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada
5.Maxamed Cali Bille GuuleedAgaasimaha Guud ee Madaxtooyada
6.Axmed Xasan Cigaal SahalSafiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
7.Maxamed Warsame DucaaleErgayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay
8.Maxamed Cabdikariin Cumar Ismaaciil (Maarshaal)Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
9.Ayaanle Salaad DiiriyeSafiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Dalka Kiiniya

Masuuliyiinta xilka wareejinaya, waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-44/022018, uu ku magacaabay toddoba masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:         In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:          La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

TirMagacaXilka
1.Gaashaanle Sare, Saleebaan Muuse XasanGuddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
2.Gaashaanle Sare, Siciid Xasan MaxamedGarsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
3.Gaashaanle Dhexe, Ibraahin Maxamuud GuuleedGuddoomiyaha Maxkamadda D1aad ee Aaga Bari
4.Gaashaanle, Cabdillaahi Xasan CarraaleGarsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
5.Gaashaanle, Yaasiin X. Cali MaxamuudGarsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
6.Gaashaanle Dhexe, Fu’aad Raage Maxamed XirsiXeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka
7.Gaashaanle, Khadar Cali MaxamuudXeer-ilaaliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidammada Qaranka

 

Masuuliyiinta xilka wareejinaya, waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen, isla markaana waxaan farayaa in ay ku noqdaan Talisyada Ciidan ee ay ka tirsan-yihiin.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.