Faallo: Maxamed Cumar Sheekh
Laba sano ku dhawaad kaddib mar kasta oo la soo hadalqaado xukuumadda Siilaanyo ayaa dadweynaha Somaliland badankooda waxaa maskaxdooda soo geleysa xukuumad bedeshay dawladdii adkayd ee UDUB, siina kordhisay baahida shacbiga, ammandarada, shaqo la’aanta, la dagaalanka saxaafadda, shakina gelisay qarannimadii iyo gooni isu taaggii Somaliland kaddib shirweynihii London ee lagu casuumay. Sidoo kale ayaa badi dadweynaha Somaliland waxa maskaxdooda soo geleysa xukuumad ay ka muuqato kala qaybsanaan, qabyaalad, gobolaysi iyo ku dhaqanka wax kastoo kursiga ka tuuray xukuumaddii hore sida caddaalad xumada, musuqa iwm.
Haddaba, xukuumadda sidaas ah ee ay hadheeyeen arrimaha aan soo sheegnay ayaa dhinaca kale ku taamaysa inay sannado kale oo ka dheeraad ah xilka sharciyaddu siisay dalka sii haysato ee shanta sano ah.
Dadweynaha Somaliland iyo siyaasiyiin badan ayaa sidoo kale badankoodu aaminsan in xukuumadda Siilaanyo iska tegi doonto marka lagaga adkaado doorashgooyinka soo socda ee madaxtooyada,isla markaana illawsan in maamaulka haatani ku talogalay arrimo badan oo laga yaabo inay ogaadaan wakhti xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.
Haddaan ka bilowno doorashootinka Golaha deegaanka iyo ururada siyaasadda, xisbiyada qaranka, Golaha Wakiillada iyo qaabka maamul ee mustaqbalka dalku yeelan doono, ayaan tusaale u soo qaadanaynaa sida xisbulxaakimkii Kulmiye iyo siyaasiyiintii iyo hoggaankii ururkaba loo kala daadiyey, isla markaana xisbigii iyo dawladda maantu ku kala tegeen maamulka siyaasadda dalka. haldoorkii Kulmiyana qaarkood loogu xidhay cidlada, kuwa kalena lagu magacdilay xilal loo magacaabay oo haddana laga xayuubiyey. waxa ku xiga sida xisbiga UCID u kala jabay , una kala noqday laba xisbi siyaasiyiintiisii iyo hogaankiisii ku kala tegeen, sidoo kale ayaan la soconnaa UDUB oo lagu soo dhex tuuray khilaaf meel uu ka yimi aan la ogeyn ilaa maantana in kastoo guddoomiyihisii joogo la isku keeni kari laayahay, sidaa ayaana loogu talogalay inaysan mar daambe ka soo shaacbixin golayaasha siyaasadda. waxa ku xiga Golaha wakiillada ee la soo doortay oo ay xukuumadda Siilaanyo maalinba ninkii ugu hadalka badnaa ,ama ugu aqoonta badnaa laga dhex ugaadhsanayo ilaa la gaadhay guddoomiye ku xigeenkii oo xil wasaaradeed loo magacaabay, iyadoo ay ka sii horreeyeen wasiirro kale kuwa kalena ka dambayan doonaan, looguna talogalay in golahaasi la mid noqdo golihii shacabka ee xukuumaddii Siyaad Barre. Aqlabiyadda xubnaha golahaasina noqdaan kuwa meel ugu xidhan xukuumadda iyo madaxweynaheeda sida maanta u yahayna cid kastaa garan karto.
Marka laga yimaaddo baabi’inta xisbiyada qaranka ee aan imikaba ka muuqan siyaasadda dalka ayaa waxa ka horreeya waxa laga yeelayo ururada siyaasadda ee haatan kala saaristooda iyo taageeradooda ay ku mashquulsanyihiin guddiga diiwaangelinta ururada siyaasaddu. kuwaasoo maraya degmadii ama gobolkii ugu dambeeyay ee ururadu kus oo bandhigayeen buuxinta shuruudaha ku xidhan jirintaankooda .
Sida taariikhdu inna bartay, waxa doorashooyinkii hore ee golaha deegaanka lagu reebay ururro siyaasadeed oo u muuqday inay haysteen taageerada badi shacbiga gobolada dalka ,isla markaana sababaha loogu reebay ay ahayd inaysan xidhiidh wanaagsan la lahayn dawladdii waagaasi, kuwaasoo aan ka xusuusan karo Ururadii ASAD. SAHAN iyo kuwa kaleba, iyadoo hogaankii waagaa ee dalku ururadaasi ka dhex arkayey siyaasiyiin miisaan ku leh shacbiga qiilqiilna gelin karayey xisbulxaakimkii hore.
Markaad u dhabbo gasho dareenada kala duwan ee ururadu ku hawlgeleyaan wakhtigan ,isla markaana la qiimeeyo kalsoonida iyo kalsoonidarada ururadaasi ka qabaan ka qayabgalkooda doorashooyinka Golayaasha deegaanka ayaa waxa ka soo baxay hadallo badan, xan badan iyo shaki badan oo ururadaasi iyo dawladda laga yaabo inay kala dhex dhigaan muran siyaasadeed iyo kuwa qabyaaladeed , kaasoo khatar gelin kara geeddi socdka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka lagu hindisayo mustaqbalka dhaw…..la soco