WorldRemitAds
Muqdisho, Somalia, March, 07, 2016 (Saxafi) — Hoggaamiyihii Xoogagga Buuraha Galgala ee Dagaalka kula jira Puntland, Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Al-shabaab iyo sababihii ku kalifay inuu kasoo baxo oo uu heshiis la galo Dawladda Somalia.

Atam oo iskii isku soo dhiibay Bishii June, 2014-kii ayaa wareysi uu siiyay Universal TV wuxuu ku sheegay inaanay waxba ka bedelin noloshiisa ka soo bixitaankii uu kasoo baxay kooxda Al-shabaab, isagoo intaas ku daray in aanay hadda jirin wax fikir ah oo ka dhexeeya Al-shabaab. “Intaan Al-shabaab ka mid ahaa culeysyo badan ayaa i haystay, haddii ay ahaan lahayd mid dibadda ah oo ragga aan isla joognay oo aan hal god ku wada jirnay iyo culeys gudaha iga haystay. Nin cadow ku dhex jira ayaan xilligaas ahaa,” ayuu yidhi Atam waxaana uu intaas ku daray. “Heshiiska aan qaatay wuxuu ahaa mid aan nabadgelyada ku qaadanayay, fikirkeyguna wuxuu ahaa inaan Adduunka oo dhan la qaato nabad.”
Sidoo kale, Maxamed Atam ayaa wuxuu sheegay inuu Aaminsan yahay jihaadka, laakiin isaga iyo Al-shabaab uu farqi weyni u dhaxeeyo xilligan, wuxuuna yidhi. “Weli waxaan ahay qof aaminsan jihaadka una aaminsan sida salaadda oo kale, waayo wuxuu leeyahay shuruudo; kuwaasoo kala ah; yaa dagaalamaya, yaa lala dagaalamayaa, yaa loo dagaalamayaa iyo waqtigee la dagaalamayaa.”
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas raaciyay. “Qofkii jihaadka beeniya wuxuu la mid yahay qof Salaadda beeniyay, Al-shabaab waa khilaafeen jihaadka Nabi Muxumaed [CSW], waayo Nebigeennu wuxuu xaaraantinimeeyay in qof muslim ah la dilo, aniguna waxaan fikir ahaan ku qancay in jihaadka Al-shabaab aanu ahayn midkii saxda ahaa.”
Maxamed Siciid Atam oo la weydiiyay in Dowladda Federaalka Somalia ay Cafis u fidisay hoggaamiyeyaasha Al-shabaab oo keliya, dhallinyaradana ay xukunto; ayuu ku jawaabay. “Anigu ruux dambiile ah oo meel laga soo qabtay ma ahayn, heshiis baan ku imid, waana ku qanacsanahay, waliba muddo ayaan raadinayay heshiiskas sidii uu ku suuro-geli lahaa. Marka Qof wal oo heshiis ku yimaada; ha yaraado ama ha weynaadee waa in ballantiisa loo fuliyaa, markii uu qaato nabad-galyo, Anigaa tashaday waxaa rajeyneynaa inay ahayd in Towfiiq Alle i haleeshiiyay.”
Waxaa kale oo la weydiiyay in isaga iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys uu xidhiidh ka dhexeeyo iyo in kale, wuxuuna ku jawaabay inaanu jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya, markii hore ee ay Al-shabaab ka wada tirsanaayeenna aanayba xidhiidhi jirin.
Ugu dambeyn, wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in Maxamed Atam uu magan-galyo siyaasadeed ka helay dalka Qatar, uuna halkaas ku noolaan doono, inta Cimrigiisa ka hadhsan, balse dawladda Somalia oo heshiiska hore ula gashay ayaan ka hadlin magan-galyada uu helay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.