WorldRemitAds
Burco, Somaliland, February 15, 2016 (Saxafi) – Darawaliinta gaadiidlayda Tigaha (Bajaajta) ayaa shalay  mudaharaad ka dhigay gudaha magaalada Burco.

Mudahraadkan oo socday mudo yar oo saacado ah, Isla markaana aan sababin wax khasaare ah, ayaa waxaa ay darawaliintu kaga soo horjeedeen sida la sheegay amar ay soo saareen dhawaan gudida nabadgaliyada gobolka Togdheer ay soo saartay, kuna shaaciyeen  inaanay Gaadiidka tigaha kaxayn Karin qof aan sharciga Liisanka wadan isla markaana gaadhin 20 Sanno Jir.
Guddiga amarka soo saartay ayaa ka kooban maamulka gobolka Togdheer ka degmada Burco iyo laamaha amaanka. Waxana arrintan aad uga cadhooday wadayaasha gaadiidka Bajaajta oo mudaharaad kaga jawaabay.
Ciidanka amaanka gobolka togdheer ayaa si la sheegay xabsiga u taxaabay qaar kamida darawaliinta mudaharaadayay.
Gabagabadiina ciidanka amaanka gobolka Togdheer ayaa ku guulaystay inay kala daareeriyaan dadwaynahaasi ama darawaliinta gadiidka Tigaha ee iskaga kala goosha xaafada magaalada Burco ee mudaharaadayay.
Maamulka gobolka Togdheer ayaa iyagu darawaliinta ku adkeeyay inay u hogaansamaan sharciga la soo rogay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.