WorldRemitAds
Buuhoodle, Somaliland, February 15, 2016 (Saxafi) — Wax-garadka iyo Culummada Degmada Buuhoodle ayaa cambaareeyey Xiisad colaadeed oo dhimasho iyo dhaawacba sababtay oo ka dhacay deegaanka Cara-weyn oo 120-km galbeed ka xigta degmad Laascaanood ee Gobolka Sool.

Caaqil Hidi Maxamed Aadan oo ka mid ah odayaasha Buuhoodle ayaa falkaas ku Tilmaamay mid fool xun, Waxaanu intaas ku daray in loo baahan yahay sidii wax looga qaban lahaa. Xiisaddaan Colaadeed ayaa ka billaabantay Khilaaf Dhex-maray Dad reer guuraa ah oo ay daaqsini kulmisay sida uu  Warbaahinta u sheegay Maxamed Siciid oo deegaankaas ku sugan, Wuxuuna intaas ku daray in Rabshadahaasi isku beddeleen mid uu dhiig ku daatay. “Dabley hubaysan ayaa mar keliya xabado ku furtay dad maqaaxi fadhiya iyadoo dhaawac uu soo gaadhay saddex ka mid ah dadkaasoo mid ka mid ah uu dhaawacii soo gaadhay goor dambe u dhintay, Dhammaantoodna waxay ahaayeen dad reer guuraa ah oo abaari waday,” ayuu yidhi Siciid.
Ka sokow xogtan, Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo muddooyinkii ugu daneebayay ku sugnaa magaalada Buuhoodle ayaa falkan ku eedeeyay Cali Khaliif Galaydh oo aagaas qudhiisu ku sugan kana wadda hawlo ka dhan ah Somaliland.
Si kasta ha ahaatee, falkan lagula kacay dadka abaaruhu wadaan ayaa wuxuu noqday mid aad looga xumaado, waxaana cambaareeyay qaar badan oo ka mid ah Culumada Deegaannada Widh-Widh, Buuhoodle iyo guud ahaan bulshada deegaannadaas. “Waxgaradka degmada Widhwidh oo Cara-weyn ay ka tirsan tahay ayaa wadaa sidii dadka Reer Guuraaga ah ay Nabadi u Dhex-mari lahayd, isla markaana ay ugu Qancin lahaayeen inaan falkaas dhacay raalli laga ahayn, ayna u sii Wadan lahaayeen hayaankooda ay ku raadinayaan nolol dad iyo Duunyada ay wataan,” sidaas waxaa sheegay, Sekeriye Maxamed Ciise oo ah Suxufi deegaankaasi ku sugan.
Qaar ka mid ah bulshadda Deegaankaas ayaa iyana aaminsan qaarkood in Falkani uu yahay mid la Siyaasadeeyay; iyagoo Dusha u saaraya Hadal Prof. Cali Khaliif Galaydh oo bishii lasoo dhaafnay sheegay in haddii Somaliland ka bixi waydo deegaannadaas ay saamayn ku yeelanayso dadka Reer guuraaga ah ee  abaaruhu keeneen.
Ugu dambeyntii, Waa Falkii ugu Xumaa ee lagula koco Dad la daalaa dhacaya Baadi-goob nololeed muddo rubuc qarni ka badan inta la xusuusan yahay, Waxaana laga cabsi qabaa in ay talaabadni horseedo dhacdooyin kale waqtigan aadka u adag.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.